Gabilay(Subulahanews) Shacab waynaha reer gabiley ayaa saaka iskugusoo dareeray tukashada salaada ciidal Odxa-da Iyaga oo soo buux dhaafiyay barxada wayn ee garoonka kubada cagta ee magaalada gabiley.

Munaasibada tukashada salaada ciidal Odxada Ayaa waxa kasoo qayb ga

lay badhasaabka gobolka gabiley axmed Calinuur, Xoghayaha dawlada hoose ee degmeda gabiley C/raxmaan Nuur Abokor, Sh.Xasan jaamac Oo Isagu Tujinayay salaadii Ciida, Iyo dadwayne Kale Oo Tiro Badan.

Ugu horaynba Badhasaabka Gobolka Gabiley Axmed Calinuur Oo Khudbad Dheer ujeediyey Dadwaynaha Reer Gabiley Kadib Markii Salaada Laga Baxay Ayaa shacabka reer Gabiley Ugu Baaqay Inay Cibaadada Iyo Alle Kacabsiga badiyaan Sidoo Kalena Salaan uu madaxwaynaha Uga siday soo gaadhsiiyey Shacabka Waxaana Hadakiisii Kamid Ahaa “Marka Hore Waxaan jecelahay Inaad Iga Gudoontaan Salaan Aan Idiinka Sido Madaxwaynha Jamuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Maadaama Aynu Ku jirno Maalin Farxad Leh, Marka Xigta waxaan doonayaa inaan inyar idin xasuusiyo inagu gobol ahaan inta badan waxaynu nahay dad xaga cibaadada iyo khayrkaba isku sheega imika se waxaad moodaa intan dambe in aad looga gaabiyey oo aad moodo dadkii in halkii konton sano kahor la joogay inaynu maanta aad uga hoosayno oo aad arkayso waxyaalo kaa yaabinaya mar-marka qaarkood, umadan islaamka ahna gabi ahaanteedba waxa laynagu sifeeyay inaynu umada ugu khayrka badan nahay, umada ugu khayr badan marka laynagu sifaynayo maaha sifahaasi waa sifo jira laakiin inaga uunbaa ka leexan karna ama dariiqaa mari karna, sifahaa laynagu sifeeyay hadaba waa maxay? Waa waxa xuna inaynu iska reebno waxa khayrka qabana aynu ku dadaalno, Hadaba Walaalayaal Waxaan Idinkula Dar-daarmayaa Inaad Nabadgalyada Ilaashataan” Ayuu Yidhi Axmed Calinuur.

Sidoo kale Xoghayaha dawlada hoose ee degmeda gabiley C/raxmaan Nuur Abokor oo Isaguna Madashaasi ka hadlay ayaa shacabka reer gabiley kula dardaarmay inay ciidamada amaanka kala shaqeeyaan nabad galyada maadaama ay fooda inagusoo hayaan doorashooyinka golaha deegaanku waxaana hadalkiisii kamid ahaa “Waxaa bilaabmaya 29ka Bisha ololihii doorashoooyinka ololaha doorashooyinkuna dhibaatooyin faro badan ayay leeyihiin cadaw faro badana waynu leenahay markaa inaynu nabadgalyada ilaalino ayaa laynooga baahanyahay, ciidanka boolisku way shaqaynayaan 24-ka saacadoodba oo heegan ayay ku jiraan si ay nabad galyada u sugaan markaa dadwaynaha waxaan ugu baaqayaa inay ciidanka booliska kala shaqeeyaan nabadgalyada” Ayuu yidhi C/raxmaan Nuur Abokor.

Sikastaba Ha Ahaatee Dadwaynaha ayaa ay wajiyadooda ka muuqatay farxad, dhooolacadayn iyo salaam uu midba midka kale kula deg-degayay.

 

 

 

SUBULAHANEWS.COM

GABILAY/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook