NEW YORK(SUBULAHANEWS)Dowlada Djibouti ayaa isu diyaarineysa in ay qabato hogaanka hay’ada Qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada iyo dhaqanka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan UNESCO, United Nations Educationnel, Scientific and Cultural Organisation.
Madaxweynaha dalka Djibouti Mudane Ismaanciil Cumar Geelle ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyay dhawaan dadaalkan ay dowlada Djibouti ku dooneyso in ay qabato mas’uuliyadaas balaaran.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay in safiirka Djibouti u fadhiya dalka Faransiika Ambassador Rachad FARAH uu yahay mas’uul aad ugu haboon jagadaas, Ambassador Rachad oo ah rugcadaa aad looga yaqaan golayaasha caalamka ayaa soo ahaa Wasiirka arimaha dibada Dalka Djibouti laga bilaabo sanadkii 1977 isagoo xiligaasi wax badan ka qabtay xiriirka Djibouti la leedahay beesha caalamka, isla markaana suurto galiyay in ay furmaan qaar ka mid ah safaaradaha dalka Djibouti ku leeyahay caalamka.
Rachad ayaa ka mid ah safiirada caalamka ugu taariikhda fog isagoo dalkiisa safiir uga soo noqday wadamo badan, Waxyaabaha sida gaarka ah loogu xusuusto Ambassador Rachad waxaa ka mid ah doorkii uu ku lahaa dhax-dhaxaadintii iyo heshiiskii dowlada Soomaaliya iyo Ethiopia ee ay xiligaas kala hogaaminayeen Madaxweyne Mohamed Siad Bare iyo Mengistu H. Mariam, Sidoo kale doorkii uu ku lahaa aas-aaskii urur goboleedka Intergovernmental Authority on Development (IGAD) .
Waxaa durba arintaan soo dhaweeyay wadamada Carabta iyo Africa, HE Rachad FARAH ayaa sheegay in uu wax badan ka qaban doono horumarka dhanka waxbarashada, dhaqanka iyo isgaarsiinta ee wadamada Soomaaliya iyo Djibouti, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in xiligaan ayan UNESCO ka howl gelin gudaha dalka Soomaaliya, Qabashada xilkan hadii dalka Djibouti ku guuleysto waxay noqoneysaa guul u soo hoyatay wadamada Geeska Africa gaar ahaan Africada bari.
NEW YORK/USA

