Burco(Subulahanews) Hay?adda wadaniga ah ee EWADA ayaa maalintii 2aad qaybinaysa Xoolihii ay ugu talo gashay Udxiyada ee sannadkan, waxaana ay saaka aroortii hore u qaybisay Xarunta Agoomaha hablaha iyo Xarunta Agoomaha Wiilasha iyo weliba Qoysaska Barakacayaasha ah ee Gobolka Togdheer.
Deeqdani xoolaha ayaa daba socota deeq xoolo udxiyo ah oo maalinti shalay ay magaalooyin badan ka bilowday hay?addani.
Masuliyiinta Hay?adda waddaniga ah ee EWADA ayaa Bulshada muslimiinta ee addukuna ku filiqsan ugu baaqday inay iyagun wixii taakulo ama gargaar ah ee ay soo gaadhsiin karaan ubadka agoomaha ah ay ugu soo hagaajiyaan hay?addani, waxay sidoo kale xuseen in dadweynahaasi ka eegi karaan waxqabadka hay?adda website kooda http://www.ewada.org.uk/
Waxay sidoo kale ciddii taakuleynaysa agoomahani masuliyiinta Hay?adda EWADA kala soo xidhiidhi karaan Telephonadooda INGRIISKA iyo Burco oo kala ah 00447956812788 ama 4477475
Ama Emadadil ka : Adanewada@hotmail.co.uk
iyadoo ciddii Zaad ugu soo diri kartaa ay ku soo diri karaan ZAAD NO: 406262
Hay?adda waddaniga ah ayaa sheegtay in mashruucan qaybinta xoolaha udxiyada ahi soconayo illaa maalinta berri ah, iyadoo hay?addu gacanta ku haysa Xarumo wax lagu baro agoonta iyo dadka itaalka daran ama barakacayaasha ah.
SUBULAHANEWS.COM
BURCO/SOMALILAND

