Kismaayo(Subulahanews)Qaraxaan Miino ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose sida ay sheegayaan dad goob joogayaaal ah oo ku sugan magaaladaasi.

Qaraxaan oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidanka dowlada Soomaaliya ee ku sugan xarunta Degmada waxaana lagu soo waramayaa in uu Khasaaro dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyay.

Inta la ogyahay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ku geeriyootay halka labo kalana ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijinaayan dad goob joogayaal ah oo ku sugan meel aan sidaa ugu fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay.

Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay si aad ah ugu naxeen qaraxaan Miinada oo ahaa mid si aad ah dhawaqiisa looga maqlay guud ahaan inta ay Kismaayo ka kooban tahay inkastoo aysan jirin Khasaaro kale oo ka dhashay marka laga reebo askarta  ciidanka dowlada.

Si kastaba ha ahaatee ma jirto ilaa iyo hada dad loo soo qab qabtay oo ku aadan qaraxii xooganaa ee maanta ka dhacay magaalada Kismaayo mana jirto mas uul ka hadlay dowlada oo ka hadlay qaraxii maanta.

SUBULAHANEWS.COM

KISMAAYO/SOMALIA

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook