Hargaysa(Subulahanews)-Xafiiska Samo-falka Somaliland, ayaa maanta 750 Qof gaadh-siiyey Hilib ay ugu tallo-galeen Munaasibada Ciidul adxaha awgeed, kaasoo ka qaybinayeen meelo kala duwan oo Xaafadaha Caasimadda Hargaysa ah.
Arrintan oo ay iska kaashanayeen Xafiiska Samo-falka Somaliland iyo Hay?adda Muslim Aid oo iyadu Maal-galinaysay Barnaamijkan, ayaa waxa la gaadh-siiyey Degmada Axmed Dhagax, Degmada Koodbuur, degmadda Gacan Libaax iyo Cusbitaalka TB.
Munaasibadii lagu qaybinaayey Hilibkan waxa ka soo qayb-galay Agaasimaha xafiiska Samo-falka Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi, Guddoomiyaha hay?adda Muslim Aid Sidiiq Gahayr iyo Agaasimaha Mashaariicda ee Xafiiska Samo-falka Siciid Cabdi Gaboobe.
Agaasimaha xafiiska Samo-falka Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo ugu horeyntii halkaas ka hadashay ayaa Munaasibada Ciidul Adxaha awgeed Hambalyo u dirtay dhammaanba Ummadda Muslimiinta ah meelkasta oo ay Dunnida ka joogaan, gaar ahaan waxa ay Hambalyo u dirtay Shacabka reer Somaliland, waxaanay Illaahay uga barriday inay Sanadkaas sanadkiisa ku gaadhaan Bash Bash iyo Horumar.
Waxa kale, oo ay Marwo Aamina Maxamuud Diiriye ka hadashay 750 Qof ee ay ugu tallo-galeen inay gaadhsiiyaan Hilib ay kaga qayb-qaadanayeen Farxadda Munaasibada Ciidul Adxaha awgeed, waxaanay tilmaamay in hawshan uu hirgelinaayey Xafiiska Samo-falka Somaliland, isla markaana ay Maal-gelintana ay leedahay Hay?adda Muslim Aid, iyadoo Hay?addaas ku ammaantay sida ay mar walba uga qayb-qaadato Hawlaha lagu taakulaynayo shacabka reer Somaliland, waxaanay si gaara u xustay Maalmaha farxadaha Ciida oo ay inta badan Hay?adda Muslim Aid ka farxiso shacabka dan-yarta.
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Xoghayaha gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hawshan ay iska kaashadeen Xafiiska Samo-falka Somaliland iyo Hay?adda Muslim Aid, isagoo si gaar ah u bogaadiyey Hay?adda Muslim Aid oo Sanadkasta Farxadaha Munaasibadaha Ciida awgeed ka farxisa Shacabka dan-yarta ah ee maalmahaas oo kale u baahan Gargaarka ah.
Ugu dambayntii waxa isaguna Madashaas ka hadlay Guddoomiyaha Hay?adda Muslim Aid Sidiiq Gahayr oo ka dhawaajiyey in Hay?adda Muslim Aid ay Sanadkasta Maalinta Ciida ay meelo badan oo adduunka ka mida ay ka bilowdo Barnaamijkan lagu taageerayo dadka danyarta ah, taasoo uu sheegay in lagaga farxinayo danyarta aan maalintaas Gargaarka u baahani.
Guddoomiyaha Hay?adda Muslim Aid Sidiiq Gahayr waxa uu sheegay inay Barnaamijkan ugu tallo-galeen inay kaga farxiyaan Naafada iyo dadka jilicsan si ay Maalintaas dadka ula Ciidaan.
SUBULAHANEWS.COM
HARGAYSA/SOMALILAND




