Muqdisho(Subulahanews) Tan iyo maalintii lamagacaabay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya waxaa ay dadweynaha ku dhaqan gudaha iyo daafaha dunidu ay ka dhursugayeen talaabada uu qaadi doono Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyo qaabka uu u dhisidoono xukuumadiisa oo ilaa hada looga fadhiyo.
Hadaba iyada oo arintaasi jirto ayaa waxaa laga dareemayaa marka aad ku sugantahay gudaha magaalada Muqdisho hadalhaynta dadka ku nool caasimada Soomaaliya iyo iswaydiinta nooca ay noqondoonto xukuumada soo socota oo mudadii uu sheegay Ra’iisal wasaaruhu ay ka hadhsantahay halmaalin oo kaliya.
Ilo xog-oggaala oo ka soo baxaaya xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa waxaa ay sheegayaan in ay noqonayso xukuumada hada taladeeda la soo dhisaayo oo intabadan wakhtiga uu lumiyay sidii uu dadka ugala tashan lahaa nooca xukuumadeed ee ugu wanaagsan ayaahadahana waxaa la sheegayaa in ay xukuumadaasi ka koobnaandoonto 10 wasiir, 10 wasiir ku xigeen iyo 5 wasiiru dawla.
Waxaana arintani u xaqiijiyay shabakada Warbaahinta qarniga cusub ee Cadceed.com mid ka mida dadka ku dhaw-dhaw xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo aanu kula xidhiidhnay khadka talefoonka isaga oo jooga magaalada Muqdisho, isaga oo naga codsaday in aanu magaciisa aanaanu shaacin.
Sikastaba ha ahaatee xukuumadihii hore ee iskaga danbeeyay intii uu burburku ku yimi dawladii dhexe ee Soomaaliya ayaa iyagu ahaa kuwa ku meelgaadha halka ay xukuumadani cusub ee maanta la soo dhisaayona tahay mid ku timid rabitaanka umada Soomaaliyeed islamarkaasina looga fadhiyo siyaasad cad oo ku aadan isbadal horumarleh.
Wariye Maxamed C/laahi Dabshid.

