Kaduna(Subulahanews)Qarax laxaad leh ayaa wax  yar ka hor ka dhacay Magaaladda Kaduna oo dhacda dhinaca waqooyi ee dalka Nigeria,

Qaraxan oo lala beegsaday Kaniisad ku taala Magaaladdaasi ayay ku dhinteen dad aad u tiro badani.

Kooxda islaamiyiinta ah ee Boko Xaaraam ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, waxaanu ahaa mid lagu fuliyay gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Boko Xaraam oo ah koox ka soo horjeeda Midnimadda dalka Nigeria ayaa inta badan qaraxyo laxaad leh ka fulisa dalkaasi iyada oo qaraxanina uu noqonayo kii ugu dambeeyay ee ay dalkaasi ka fuliso mudooyinkan ugu dambeeyay.

SUBULAHANEWS.COM

KANDUMA/ALGERIA.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook