Borama(Subulahanews)
Ololaha doorashada goleyaasha deegaanka ayaa la filayaa in ay maalinta barri bilaabmaan, waxaana goobaha la iskugu yimaado ee magaalooyinka Somaliland laga dareemayaa u diyaar garaw balaadhan oo ay dhinacyada siyaasadu ugu jiraan sidii ay guul uga soo hoyn lahaayeen ololaha doorashada, waxaana meelaha dharka lagu tolo lagu arkayaa calamo badan oo ay ururada siyaasadu ka tolanayaan.
Magaalooyinka Somaliland ayaa meelaha ay dadku iskugu yimaadaan iyo wadooyinka dhinacyadooda lagu arkayaa sawirada ay musharaxiinta goleyaasha deegaanku ku soo bandhigayaan ololahooda, waxaana sanadkan sanadadii hore kaga duwan yahay in badi musharixiinta goleyaasha deegaanku u badan yihiin dhalinyaro, kuwaasi oo hankooda ku soo bandhigay in ay doonayaan in ay dadweynaha reer Somaliland u codeeyaan si ay u sameeyaan is bedel, iyada oo dadka qaarna ku dhaliilsan yihiin in haddii musharixiinta goleyaasha deegaanka ku soo baxdaa ay u bataan dhalinyar ay noqon karto in aan wax qabad badan la muujin, halka dadka qaarna ka aaminsan yihiin in dhalinyaradu muujin karto wax qabad balaadhan.
Maalinta barri oo ah maalintii u horeysay ee ololaha doorashada goleyaasha deegaanka waxa u leh Urur siyaasadeedka Umadda
Doorashadan ayaa noqonaysa doorashadii 5-aad ee shacabku codeeyaan, taasi oo ay shacabka Somaliland hore u soo galeen laba doorasho oo lagu dooranayey Madaxweynaha Dalka Taladiisa Qabanaya, Hal doorasho oo loo codeynayey Goleyaasha Deegaanka iyo Hal Doorasho oo loo codeynayey Mudaneyaasha Golaha Wakiilada.’
SUBULAHANEWS.COM
BORAMA/SOMALILAND

