Hargaysa(Subulahanews) Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ka jawaabay eedo baryahan dambe warbaahinta ku soo baxayey oo sheegayey in ay u kala eexdeen shirkadihii ay qandaraasyada hawsha doorashada la galayeen.

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka qaarkood oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskooda magaalada Hargeysa ayaa ka sheegay in aanay jirin  wax go’aan ah oo ay ugu kala eexdeen shirkadaha qandaraasyada la galayey.

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Maxmed Axmed Xirsi Geelle  oo arintan ka jawaabayey mar ay warbaahintu wax ka waydiisay ayaa waxa uu yidhi “Waxa jira in shirkaduhu aanu qandaraaska siinaynay ay aanu ku xidhnay shuruudo ay ku soo kala baxaan, haddii ay noqoto dhinaca sharciga, agabka aanu uga baahanahay iyo kharashka ku baxaya qandaraaskaasi, markaa shirkadaha cabanaya qaarkood dhinaca sharciga ayaanay soo buuxin oo markii horeba waxa na wareeriyey anaga oo aan ka fadhiisan dad cabanaya oo leh cidbaad siiseen qandaraaskii ee ka daaya, hadda waa iyada oo aananu ka fadhiisan, kamana war hayno nin masuul noo soo gudbiyey is casilaad”.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay nidaamka wacyigalinta ay u galayaan, waxaanu sheegay in ay warbaahinta kala duwan u isticmaali doonaan dadka si ay uga dhaadhiciyaan habka loo galayo doorashada iyo inay gawaadhi shaashado saaran yihiin isticmaalayaan deegaanada aan warbaahintu gaadhin.”

SUBULAHANEWS.COM

HARGAYSA/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook