Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si adag uga hadlay Shirkii Bishii Febuary uga furmay Magaaladda London ee loo qabtay kooxaha isku haya siyaasada Somaaliya ee ay Somaliland-na ka qayb-gashay.
Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Ayaanle oo maanta ka hadlayay shir lagaga hadlo horurmarka Somaliland oo maanta ka furmay Magaalada Hotel Ampasaddor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay shirkii London uu ahaa mid xukuumadu ay marin habaabisay shacabka,iyada oo najiijadii ka soo baxday aanay noqon mid maslaxad u ah Somaliland.
“Tallo-qaran waxaan u aqaanaa Qarankaa masuuliyiinta ay xukuumaddaasi ka kooban tahay, Baarlamaanka oo sharci-dejintii ah, xukuumadda iyo axsaabtii siyaasada tallo-qaran buu Madaxweynuhu yidhi wana ka gelayaa Baarlamaankaan la tashanayaa, Axsaabta Siyaasadaan la tashanayaa sidaasaan ku tegi-doonaa wixii la igula talliyo,dhinaca aan ka joogo may dhicine codsi Qaran-baa dhacay”
Waxaanu intaas ku daray Xildhibaanku, “Talladda waxaan u aqaanaa hidisahaasaa inoo yimide maxa ay kula tahay Madaxweyne sidanay ila muuqataaye khatartaas miyaanad arkaynin, laakiin inuu Madaxweynuhu yidhaahdo walaalayaal waxaan u arkay in arrintaasi ay tahay arrin dani inoogu jirto ee waxaan idinka codsanayaa inaad igu raacdaan eraygaas uun-baa dhacay, Madaxweynuhu labadda Gole wuu iskugu yeedhay . Qaduu u sameeyey anigu goob-joog baan ahaa, waxa uu u arkay in dan ay Somaliland leedahay ay ku jirto xitaa qadadii baanu ku taagnay gacanta”
Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Markaa Axsaabta Siyaasada ee markaa jirtay ururo ayaa lagu furay oo sas bay qabeen, UDUB iyo UCID-baa loo yeedhay waxay u arkeen in Ururaddii lala simay kor looga qaaday waayahay Madaxweyne danteenaa ku jirta ayey hore u yidhaahdee, ururadii iyaguna cadhooday oo yidhi maanan anigu xaq u lahayn idinkuna kaalayaa la yidhi, iyagana waxa u darnayd in la yidhaahdo tallaa la idin weydiiyey toos baanay Madaxtooyada u galeen oo waxay yidhaahdeen anana waan u qaadanay” ayuu yidhi xildhibaan Axmed-Yasiin Sheekh Cali Ayaanle.”Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si adag uga hadlay Shirkii Bishii Febuary uga furmay Magaaladda London ee loo qabtay kooxaha isku haya siyaasada Somaaliya ee ay Somaliland-na ka qayb-gashay.
Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Ayaanle oo maanta ka hadlayay shir lagaga hadlo horurmarka Somaliland oo maanta ka furmay Magaalada Hotel Ampasaddor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay shirkii London uu ahaa mid xukuumadu ay marin habaabisay shacabka,iyada oo najiijadii ka soo baxday aanay noqon mid maslaxad u ah Somaliland.
“Tallo-qaran waxaan u aqaanaa Qarankaa masuuliyiinta ay xukuumaddaasi ka kooban tahay, Baarlamaanka oo sharci-dejintii ah, xukuumadda iyo axsaabtii siyaasada tallo-qaran buu Madaxweynuhu yidhi wana ka gelayaa Baarlamaankaan la tashanayaa, Axsaabta Siyaasadaan la tashanayaa sidaasaan ku tegi-doonaa wixii la igula talliyo,dhinaca aan ka joogo may dhicine codsi Qaran-baa dhacay”
Waxaanu intaas ku daray Xildhibaanku, “Talladda waxaan u aqaanaa hidisahaasaa inoo yimide maxa ay kula tahay Madaxweyne sidanay ila muuqataaye khatartaas miyaanad arkaynin, laakiin inuu Madaxweynuhu yidhaahdo walaalayaal waxaan u arkay in arrintaasi ay tahay arrin dani inoogu jirto ee waxaan idinka codsanayaa inaad igu raacdaan eraygaas uun-baa dhacay, Madaxweynuhu labadda Gole wuu iskugu yeedhay . Qaduu u sameeyey anigu goob-joog baan ahaa, waxa uu u arkay in dan ay Somaliland leedahay ay ku jirto xitaa qadadii baanu ku taagnay gacanta”
Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Markaa Axsaabta Siyaasada ee markaa jirtay ururo ayaa lagu furay oo sas bay qabeen, UDUB iyo UCID-baa loo yeedhay waxay u arkeen in Ururaddii lala simay kor looga qaaday waayahay Madaxweyne danteenaa ku jirta ayey hore u yidhaahdee, ururadii iyaguna cadhooday oo yidhi maanan anigu xaq u lahayn idinkuna kaalayaa la yidhi, iyagana waxa u darnayd in la yidhaahdo tallaa la idin weydiiyey toos baanay Madaxtooyada u galeen oo waxay yidhaahdeen anana waan u qaadanay” ayuu yidhi xildhibaan Axmed-Yasiin Sheekh Cali Ayaanle.”
SUBULAHANEWS.COM