Muqdisho(Subulahanews)Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedkii NDP ee ku hadhay Tartankii kala reebista ee ugu horeeyay ee Axsaabta iyo Ururadda Siyaasadda Somaliland Foosiya X Aadan ayaa shalay ka degtay Madaarka magaaladda muqdisho ee Caasimadda Somaliya, kadib markii ay cadhootay Nidaamkii lagu reebay.
Foosiya X Aadan wararka laga helayo ayaa sheegaya inay Xamar u doonatay Xil siyaasadeed Miisaan leh, kaasoo aan ilaa hadda si rasmi ah loogu dhawaaqin, balse wararka Hordhaca ah ee laga helayo magaaladda Muqdisho ayaa sheegayain laba xil oo culusi Miiska u saran yihiin, kuwaasoo kala ah Raysal Wasaare ku-xigeenka koowaad iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda dawladda Somaliya.
Foosiya X Aadan iyo Madaxweynaha Somaliya ayaa la sheegayaa in ay ka wada shaqayn jireen Aas aaskii Jaamacadda Hargeysa, wakhtigaas oo ay Foosiyi Guddoomiye ka hayad madaxweynuhuna Mashruuc Qaramadda Midoobay ku kaalmaynayeen Hormood ka ahaa, waxaana la sheegayaa wada shaqaynta wakhtigaas dhex martay inay sahashay in madaxweynuhu ku xulan doono.
Hore waxa magaaladda Muqdisho u tagay Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedkii Gurmad Nuur Faarax Xirsi
Ee ku hadhay Tartankii Ururadda iyo Axsaaabta Siyaasadda ee Somaliland, kaasoo isna la sheegay inuu xil u doontay Dalkaasi.

