Riyad(Subulahanews) Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay guri uu ka dhacayey Aroos magaalada CAYN Badar ee Bariga dalkaasi Sucuudiga.
30 qof oo kale ayaa la rumeysan yahay inay ku dhaawacmeen dabkan oo la sheegay inuu ka dhashay Rasaas cirka loo riday oo ku dhacay Baale ama Fiilooyinka Korontada oo kusoo dul dhacay gurigaasi isla markaana keenay dab xoogleh oo halkaasi ka dhashay.
Amiirka Gobalkaasi Mohammed bin Fahd bin Abdulaziz ayaa amar ku bixiyey in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo musiibadan ka dhacday Arooskaasi xalay ka dhacay magaalada Cayn Badar.
Bishii lasoo dhaafay ayey dowlada Boqortooyada Sucuudiga mamnuucday in hub loo adeegsado ama rasaas dabaal dega aroosyada, arrintaasi oo horey dhaqan uga ahayd wadankaasi.”
SUBULAHANEWS.COM
RIYAD/SACUUDI ARABIA.

