Waxa fagaaraha khayriyadda Burco kala hadlay taageerayaashaa baaxadda leh, wasiirka arrimaha gudaha somaliland, Duur, Xildhiban Cali marexan, Muj Maxed Kaahin, Cabdo Aayir iyo Masuliyin kale

Burco: Xisbiga Talada Haya ee KULMIYE ayaa Cududii Taageero ee Ugu ballaadhnayd ku soo Bandhigay Magaalada Burco.

Burco(Subulahanews)

aageerayashii ugu baaxadda Badnaa ee Xisbig Kulmiye ayaa saaka si weyn isugu soo baxay Fagaaraha khayriyadda Burco, Taageerayaashan oo sitey sawirada Murashaxiinta Golaha Deegaanka iyo Calanka Xisbiga kulmiye ayaa ku dhawaaqayey ereyo ay ku ammaanayaan murashaxiintooda iyo Xisbiga kulmiye.

Iyagoo taageerayaashan ayaa qaar kood socod dheer ka soo bilaabay xarumahaiyo xafiisyada Taageeryaasha, halka qaarkoodna ay baabuur aad u tiro badan ku dhex wareegayeen jidadka waaweyn ee magaalada Burco.

Intaas kadib waxa fagaaraha khayriyadda Burco kala Hadlay Taageerayaasha 6  Musharax oo k amid ah murashaxiinta Golaha Deegaanka ee Xisbiga Kulmiye, Murshaxiintan oo ay ka mid ahaayeen Maayarxigeenkii hore ee Degmada  Axmed Cabdi Fly Ahna murashax mar kale u taagan golaha deegaanka ee degmada Burco, Musharax Crisaaq Maxamud Jaamac(C.risaq Aaar) Musharax Sahra Maxamed Xuseen (Basbaaso), Musharax Axmed Cabdi Dhinbiil, Musharax Maxamed Axmed Maxamud (Diigool) iyo Musharax Nuux Maxmed Xuseen adan.

Dhammaantood waxay halkaasi taageerayashooda uga soo jeediyeen Mahadnaq iyo Bogaadin ballaadhan iyagoo ku ammaanay Sida cududa leh ee aadka u ballaadhan ee ay u muujiyeen taageeradooda, waxay wax ka sheegeen qorshayaashooda siyaasadeed ee ay wax kaga qabanaayaan degmada burco haddii ay guuleystaan iyagoo u ballaanqaaday taageerayaashooda in hadii ay doortaan ay isla jaan qaadi dawladda dhexe iyo Dawladaha hoose, waxay xuseen in Degmada Burco dib u dhac weyni ka muuqdo isla markaasna loo baahan yahay in dib u dhacaas laga saaro, iyagoo murashaxiinta qar ku tilmaamay inay horumar dhinaca walba leh bulshadu ku gaadhi weyday Kabo kala jaad ah oo ay sitaan, waxay na sheegeen in haddii ay iyagu soo baxaan ay guud ahaanba xukuumaddu mid dhexeiyo mid hoose ba noqon doonto mid kabo isku jaad ah sidata oo horumar muuqda oo intan ka badan sababta.

Waxa iyaguna Taageerayaasha fagaarahan kala hadlay  Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Sahal  Aadan, Badhasabka Gobolka Togdheer Cabdo Axmed Aayir,Guddomiyaha hay?adda Ladagaalanka iyo ka hortaga HIV/ AIDS C/kariin Xinnif,  Xildhiban Cali Xasan Maxmed (Cali marexan) oo ka mid ah Xildhibaanada ugu wax qabadka Badan Mudanayasha Golaha wakiilada, Dhammaantood waxay ka sheekeeyeen Ujeedada ugu weyn ee manta isugu keentay Taageerayaasha Baaxadda leH fagaarahan , iyagoo xusay inay tahay in ay Burco ka baxdo Baahiyaad badan oo ay qabto, isla markaasna la rabo in xisbiga kulmiye mar kale saaxadda Siyaasadda Dib loogu soo celiyo maadaama tartan Xoogan oo 7 Urur ka dhexeeya la rabo in 3 Xisbi oo keliyi ku soo baxaan, iyagoo tageryaasha xisbiga u soo jeediyey inay doortaan Murashaxiinta kulmiye oo ah kuwo la hubo oo la soo shirrabay, waxa masuliyiintan mid waliba si gaar ah farta ugu fiiqay in la soo saaro Murshax Sahra Basbaaso oo iyadu ah murashaxa keliya ee haween ah ee xisbiga ka sharraxan, Badhasabka Gobolka Togdheer Cabdo Aayir ayaa isagu si gaar ah Taageerayaasha ugu sheegay inu  masuul u yahay dhammaanba taageerayaasha 7 Urur ee loolanku ka dhexeeyo kuna booriyey adkaynta Nabad

Waxa gebogabadii halkaasi khudbadihii xidhitaanka ka jeeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha  Somaliland Maxmed Nuur Carraale Duur iyo Guddomiye kuxigenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Muj Maxmed Kaahin Axmed, waxay wax badan ka sheekeeyeen waxqabadka xukuumadda xisbiga kulmiye, iyagoo  ka warramay markii ay talada waddanka la wareegeen sidii dalku ahaa, dhaqaale yaridii ka jirtey, horumar la?aantii iyo waxyaabo badan,waxay mid mid u taabteen waxyaabaha ay Burco sida gaarka ah xukuumaddani uga fulisay, sida Bedelkii lacagtii giinbaarta, dhismaha madaarka Burco, dhismaha gurigii martida iyo gurigii badhasabka gobolka, iyo qodobo kale, waxayna gebogabadii cod dheer ku yidhaahdeen murashaxiinta  golaha deegaanka ee xisbiga kulmiye ha la doorto, si magaalada Burco u noqoto sidii ay ahaan jirtey, iyagoo quus ka  muujiyey golaha deegaanka ee wakhtigan xilka ka wareegaya.

Kadib markii fagaaraha khayriyadda laga dareeray waxay mar kale Taageerayaasha murashaxiinta xisbiga kulmiye dhex lugaynayeen  qaarkoodna baabuur aaad u tiro badan ku gaaf wareegayeen guud ahaanba magaalada Burco, waxaana ololaha xisbiga Kulmiye saaka illaa xalay si weyn looga dareemayey magaalada Burco, waxana xalay illaa saaka magaalada Dhex wareegayey Babuur sameecado la saaray oo ay ka baxayeen heesaha waddaniga ah ee Somaliland iyo kuwa Xisbiga Kulmiye.

SUBULAHANEWS.COM

BURCO/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook