Boorama-00

 

Tan iyo intii la soo saaray natiijada ku meel gaadhka ee golaha degaanka degmada Boorama waxaa isa soo tarayay oo si xawliya u bilaabmay loolanka xildhibaanada guulaystay uu mid waliba u rabo sidii uu noqon lahaa maayorka Degmada Boorama waqtiga fooda inaga soo haya.

Dhaqdhaqaaq iyo kala jiitan xoogan ayaa tan iyo intii lagu dhawaaqay ka kala dhex socda xildhibaanada guulaystay kuwaas oo marka la eego nin waliba ku dadaalaya sidii ugu u kasban lahaa musharixiinta kale ee aan kursi doonka ahayn ee iyagu wali go’aan ka gaadhin in ay iyaguna kursigan raadsadaan.

Waxaa si xoog ah looga dareemayaa magaalada Boorama kala jiidashada iyo shukaansiga xildhibaanada Cusub waxaana suuqyada iyo meelaha fadhikudirirku iskugu yimaado laguna lafaguro siyaasada ka dhex aloosan keebaa noqon doona maayor ma hebel mise Hebel.

Marka aan hadaba yara dul istaagno raga ilaa haatan suuqa ku jira uguna cadcad ee hadalhaynteedu badantahay una dhaw in ay noqdaan Maayor laba musharax oo ku wada jira Xisbiga talada haya ee ku guulaystay tirada kuraasta ugu badan Degmada Boorama kuwaas oo kala Ah Xildhibaan Saleebaan Xasan Xaddi oo beel ahaan ka soo jeeda Beesha aqlabiyada kuraasta ugu badan ka heshay golaha Degaanka Boorama Iyo Cabdi Cismaan Dhagawayne kana mid ah beesha labaad ee ku guulaystay kuraasta xildhibaanada Golahan Degaankan.

Dhanka kale waxaa iyagna jira rag kale oo iyagna kursi doona oo wali qarsoon oo sida ragaas u cadcadyihiin aan shaashada isa soo dhigin.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa todobaadadan soo socoda in magaalada Boorama Maayor iyo maayor ku xigeen cusub doorato cida uu noqon doonana waxa uu gacmaha ugu jiraa 21kaa xildhibaan ee golaha soo fadhiisan doona cida ay codka aqlabiyada ah siiyaan.”

 

BY:WARIYE SHARBI YARE

SUBULAHANEWS.COM

BORAMA/SOMALILAND