FankaMarka ugu horaysa waxa Mahada iska leh ALLAH (SWT) Inoo Abuuray sida ugu haboon.

Marka xigta waxan Salamaya Bulshada Islaamka meel kasta oo ay Calamka kaga Noolyihiin marka xigta waxan Salamaya Shacabka Somaliland mar sadexad waxan Salamayaa Bulshada Gobolada Galbeedka Somaliland ugu danbayn waxan Salamayaa inta ila aragtida ah

Haddii aan u Gundo dago gun dhiga Qoraalkayga waxa aan Qalinka u qaatay ama inaan ka yara dhawaajiyo aan jeclaystay xaaladaha Gobolka Selel ka jira .

Akhristayaal marka hore haddii aan afeef hore dhigto waan ogahay waanan la socdaa xaalada Saylac inay qarniyo badan soo jiitamaysay maalmahana ay sii kordhayso laakiin waxan u arkay in laga hadlo inay mar hore ahayd haddii ay ina dhaaftayna hadda taagantahay in laga hadlo afeef hore intaa irida ayaan ugu xidhay

Aniga oo ku bilaabaya marka hore Hambalyo aan u dirayo odayaasha samaroon ee ka hadlay xaalada Saylac awna ugu horeeyo Suldaan Saleebaan Cali Ismacil iyo mudakarka agtisa taagnaa Hambalyo ayaan idin leenahay dhamaantiin sida aad uga hadasheen xaalada mar walbana Garabkiina ayaan taaganahay.

Intaa haddii aan kaga baxo Hambalyada waxa wax aad loola yaaba ama wax laga xumaado ah madaxwayne shacabkiisii doorasho u sameeyay doorashadii markii lagu kala baxay ee Cod lagu kala Calaf qaaday hadana wax aan munaasib ahayn la yimid madashii uu maamulayay wali in kasta oo aanan nu hayn war cad oo sugan hadana saansaantu sidaa kama foga .

Madax wayne madax meel ka saraysa oo la taabtaa ma jirto adiga ayaa Umadan u Madax ah adiga ayayna xilka kuu igmadeen milgaha mansabka aad taagantahay ma,aha milgaha Madaxwayne ma, aha milgaha sharaftaada shaqsi ahaaneedna ma, aha Madax wayne inaad gole deegaan oo ay shacab soo xushen xaalad ka abuurto dalkan madax wayne maanta waa nabad, nabadbaa caano macaan barise waxa uu noqon illaahay baa og miyaanad ogayn madaxwayne meesha inaad doorasho ku tagtay oo kursiga ugu sareeya dalka si sharaf iyo karaamo leh laguugu wareejiyay miyaanad maanta ka xishoonayn inaad Gole Degmo oo uu shacab soo doortay inaad faraha la dhax gasho bal isbarbar dhig si qoto dheerna u eeg marka kursigii dalkan u sareeyay adiga ayaa ku guulaytee ku fadhiiso si sharaf iyo karaamo leh laguu yidhi iyo marka aad Gole Degmo inaad qas iyo khaakhuul ka dhax abuurto ku fikirayso waa lagu sharfaa Madaxwayne wayna ku karaameeyan Qawmiyada Samaroon mar walba wax qalin daarana kama aragtid adiga waa halkee halka uu naxligan intan le,eg kaaga jiro Umadan Gobolada Galbeedka Somaliland dagta u cadee uqdad nafsigana iska saar.

Madax wayne ma waxa gaadhay 5 sano ee aad isku noqon jirteen reer Banii Axmed mise dalka Jabouti ayaa laga maamulaa ma Ina Cumar Geele ayaa maamula Umada u cadee taana way ka sugaysaa haddii aad adigu maamushana xilkgaaga u xaqiiji Mu,waadiniinta kaa yeeli mayno waxan noo cuntamayn kaagana danbayn mayno waxanad adba dad uga danbayseen anaga oo ixtiraamayna Dasduurta xaqa aan leenahay haddii aan nahay Qawmiyada Samaroon waa lama taabtaan.

Inagu (Samaroon iyo Isaaq) waa inoo xisaab danbe iyo mar walba oo ay macquul noqoto laakiin Madax wayne waxad ugu talo gashay cadka adiga iyo beeshada idinku maqan ee aad cadaalada darada ugu qaybisay beeshaada kuraasida ayna gayin inaad Qawmiyada Samaroon kaga mashquuliso Ciise isjiidjiidadkooda laakiin xadhigaa isaga ah si fican ayaan u fahmaynaa umada kastaana waxii u dana iyada ayaa taqaana waxanan ku leenahay madax wayne umada wax cadaalada u dhaw ugu adeeg kolay cadaalad ugu adeeg maysidoo silaanyo ayaad ka tahee

Guntii,Gunaanadkii iyo Gabogabodii

Waxan leehay sida ciwaanka Qoraalka ku xusan ama aad ka arki kartaan Akhristayaan Ba,yeeyda Cise Bar bar cararka Isaaq Bayaanada Samaroon waxay la mid tahay Burjigii Samaroon oo dib usoo bishay waxan u sheegayaa Qawmiyda Samaroon mar walba iyo meel walba oo aan joogno mid aan ahaano aanan ka toshano Mustaqbalkeena Dhaw iyo keena Dheer intaba.

Waxan idiin rajaynayaa Nolol Wacan

Baqwaaqo Ballaadhan

Danbi Dhaaf Badan

Wabillaahi tawfiiq.

Nooli kulantee.

Mohamed Mahamoud Shirdon

Email address:Awdal06@hotmail.com