baaq taageeroUrurka Midnimada iyo Horumarinta Adal (A.U.D) waxa uu halkan hanbalyo iyo bogaadin uga dirayaa madaxwayne ku xigeenka Somali Land, mudane C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil (C/Raxmaan Saylici) oo mowqif geesinnimole ka istaagay qadiyadda muqaddaska ah ee la xidhiidha doorashooyinka golaha deegaanka degmada Saylac oo ay dhinacyo dano gaar ah lihi isku dayeen inay majara-habaabiyaan natiijooyinkeeda,dadka dhulka lehna wax ku kala dul iibsadaan, iyada oo si xishood darro ah la isugu dayay in jagada duqa Saylac lagu raalligeliyo dad aan xaq u yeelan oo doorasho xor ah lagaga adkaaday.

Sidoo kale ururka caalamiga ah ee AUD waxa uu hanbalyo iyo taageero buuxda la garab taaganyahay salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka oo si geesinnimo leh uga dhiidhiyay in wax laga baddelo doorashada Saylac kuna dhaargalay inay qadiyaddooda nafta u hurayaan haddii aan la ammaangelin.

Waxa kale oo aannu hanbalyo u diraynaa dhammaanba xildhibaannada golayaasha deegaannada loo doortay iyo kuwii tartanka kala qaybgalay balse aanan ku guulaysan doorashada haseyeshee geesinnimada muujiyay ee walaalahooda soo baxay u hanbalyeeyey..

 

Wabillaahi tawfiiq

Guddoomiyaha AUD Adal Unit & Delevlopment

C/Qaadir Maxamad Caqli