FankaSalaan qiimo badan ayaan kusalaamayaa dhamaan shacbiga Somaliland iyo shaqaalaha Mareegtan.

Dulqaadka iyo samirka Beelaha Habar-Magaadle ayaa ah Udub-dhexaadka Jiritaanka iyo Wada-noolaanshaha Somaliland. Beelaha Habar Jeclo oo lagu yaqaanay fudayd, deg-deg, Gocosho iyo dulqaad la’aan ayay beelaha Somaliland ugarteen mansabka Madaxtooyada 2010 si aanay siyaasiyiintoodu uga dudin Somaliland, Dhalinyartooduna u joojiso Tahriibka, Cuqdada buuxisay laabtooduna u yaraato.

Beesha Habar Jeclo oo Maamulkii isku koobtay ayaa Beelihii kale kala dhamaanwayday Xil-ka-qaadis iyo wax lama mida, ilaaa Hadda lama hayo NIN wasiir HabarJeclo aha oo xilka laga qaaday, taasina waa astaamaha HJ.

Beesha HJ oo ilihii dhaqaalaha afka u dhigatay sida Maxjarkii lasiiyay Indhadeero, iyadoo lagu eedeynjiray UDUB maxjarkii hore,. Dahabshiil oo kooto loogu xidhay  Akownadii Cashuurta iyo in lasiiyay Wershadii SIBIDHka. Waxaa la isweydiinayaa Dhaqaalahaasi masii socondoona kol hadii ay dadkii isku baraarujiyeen.???

Xishood la’aanta madaxtooyada waxaa kuugu filan Badhasaabka Berbera Sida xilka looga qaaday iyo sida loo magacaabay ee degdega ah ee aargoosiga ah iyadoo la ogaa in jagada Badhasaabka Hargeisa ay banaanayd mudo ku dhow sanad iyo Badhasaabka TOGDHEER oo lawada Sugayay in xilka laga qaado oo madaxweynuhu iska indho tirayo ilaa hadda.

Beelaha Habarmagaadle ee degmada Burco( HY, Cisemuse, Arab) ayaa markii codka laga batay si sharafleh u hambalyeey jagada maayarnimada una codeeyay Musharaxiii Besha Madaxweynaha. Waxaa lawada ogyahay in markii Beesha Madaxweyna ee HJ ay weyday waxay doonaysay Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Berbera aan samayn sidii Habarmagaadlaha BURCO sameeyeen oo beesha HJ kamay soo xaadirin doorashooyinka magaalooyinka BERBERA IYO CEERIGAABO. Gunnimo.COM

Beelaha Habar Magaadle ayaa la sheegayaa in ay dhowaan iskugu imanayaan shir laga hadlayo sidii somaliland Loo badbaadin laha , shirkaas ayaa la sheegay inuu ka dhacayo BUURTA GACANLIBAAX oo ka tirsan Degmada BERBERA dhowaan.

Ma jecli in aan ku dheeraado Walaalahay beesha Madaxweynaha ee HJ laakiin waa in ay ogaadaan waxay dhitaysanayaan ee godob ah.

 

Mahadsanidiin.