hees Abwaan Maxamuud Cabdilahi Rooble oo u dhashay gobolka Awdal ayaa hees canaan ah utiriyey Madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti Ismaciil Cumar Geele, oo Baryahan danbe damac weyni ka galay magaalada Saylac ee gobolka Awdal.

 

Qofkii dibindaabyo wadi

Marbuu dibad soo baxaa

Dareen dadka wada galaa

Dibnaha lagu wada hayaa

Haduu mudo daaha saarey

Si aan loo wada dareemin

Dul iyo dacal wada daboolay

Sidii awr dibad wareega

Oo Dugaagu agtiisa marin

Wakaa ka dayaamiyoo

Ismaaciil Dabarka goo!

 

Dadkiisii oy gaajo dubatey

Dubatey oo diif la jiifa

Dalkiisii intuu xaraashay

Duduubka lacag ku qaatey

Baxreyn dahabkii uyaaliyo

Dubai daaraha kajeexday

Midhbaa iga degiba weydee

Miyuu Adal doonayaa??

Ismaaciilow ka daa

 

Hunguri damac waalanaa

Waxaan dabnahaba marayn

Daloolka kasii danbeeya

Hadaad dirqi mari tidhaa

Hunguri dadabuu noqdaaye

ismaaciiloow ka daa

 

Naftaadani damaca galay

Hadaad ka dabiibi weydo

Jabuuti ku deeqi weydo

kolaba duco qaadan meynee

Dagaalbaad nagu wadaaye

Ismaaciilow kadaa

 

Fircoonbaa dawga maray

Isaga oo nabad ku daaqa

Dadkaba ugu wada sareeya

Darkuu doonaba helaaya

Durbaan shaydaan u tumaye

Ismaaciilow ka daa

 

 

 

 

Dardaaran hadaan kusiiyo

Ruuxii darisee wanaagsan

Dariiq isagoo maraaya

Daleeda intaad ka maagto

Hadaad dhegta daab ku goyso

Daloolkaa laga tegaaye

Ismaaciilow ka daa

 

Walee dundumooy warkaa

Hadaad darbi adag ismooday

Inaad dacalada ku saysid

Daruurtu markay hilaacdo

Mahiigaana soo darooro

Wixii dildilaac ku gaadha

Dadkuba wuu wada ogaan

Ismaciilow ka daa

 

Dabaylaha soo hufmaayiyo

Intaanu daad ku qaadin

Digniina hakuu ahaatee

Aboorkow sii daloosho

Doc kale ood kaga badbaadid

 

 

Duqyahow naartaa daboolan

Daboolka hadaad ka qaado

Daqiiqad intaan la gaadhin

Armuu dhulku kula degaa

Ismaaciilow ka daa