Waxaan halkan salaan uso marinaya dhamaan shacabka reer Somaliland meel walba oo ay joogaan , waxaa laga yaabaa in aad maqaalkan oo ah taxane , aad dhibsato ama taageerto, laakiin inta aanad 2 go,aan midna gaadhin aan ka sheekayno habdhaqankii

FankaXirsi Xaaji Cali Xasan intii uu dawlada ku jiray iyo dhibaatooyinka uu geystay , kadibna waxa aynu kusoo gunaanadi doonaa , su,aasha aan kor ku xusay ee ah Xirsi Xaaji Cali Xasna miyuu shaqo badan yahay mise waa dhibaato kusoo korodhay Somaliland, anigu waxa aan qabaa in uu ina dhaxal sin doono , dagaalo sokeeye, in ay HJ iyo isaaq kala fogaadaan, in HJ dhexdeeda kala tagto sida muuqata in ay beelaha dega Sheedaha ee Harti , Samaroon iyo Ciise ay kalsoonida kala noqdaan Somaliland.

Qoraalkan  ee taxanaha ah waxaa ka warbixiyey 17 nin oo reer Somaliland ah , oo u badan  Wasiiro, Agaasimayaal, iyo Maareeyayaal, codsaday in aan magacyadooda lagu Xusin Halkan waxaa taa dheer in aan anigu ahay nin ahay Xirsi aad isu xigaan oo nahay Jifi Hoose.Maqaalka waxa uu inoo bilaabmayaa Axada 30/12/2012La soco maqaalka la magac baxay Xirsi Xaaji Cali ma shaqo badnid dhibaato kaa horeysayna kama dhicin Somaliland Maqaalku waa mid si toos ah ugu socda Xirsi , waa dhanbaal Xirsi baraya hartaaqooyinka iyo hadimooyinka uu u geystay umada reer Somaliland ilaa hadana ku Hayo.

La soco    Mubaarig Ibrahim

Nairobi Kenya