Fanka
Taniyo abuurkeedii adduunyada kamay dhamaan hirdi iyo damac isasaaran oo kolba heer taagan. Bulsho waloo nooli waxay badbaadadeedu ku xidhantahay hadba siday u maasho taariikhdeedii iyo hadba siday uga midho dhaliso dardaaranka iyo talooyinkii waxgaradka tubta toosan haya ee Ilaahay ka nahiyay danaysi gaara iyo himilooyin raqiisa oo ka soo horjeeda danaha guud ee bulshada.
Dhacdada maanta Saylac ka taagan horaa laynoogu sheegay inay imanayso balse dhag jalaq looma siin. Waxaan maskaxguuraa markaan arko dad maanta xumbo iska kicinaaya oo ayaamihii waxan laga digaayay sikale u xisaabtamaayay, xisaabxumadoodaasina waxay qayb ka tahay sobobaha keenay in maata si cad oon gabasho lahayn in la yidhaa Gadabuursi foodkiisa waxaa ka wayn danta labada qabiil ee dawladaha ah. Aas-aaska dawlada Jabuuti gaalbaa iga farsameeyay, Somailand-na anigaa isku sameeyay!
Maanta waxa Saylac ka dhacayaa maaha wax soo boodo ah, maaha wax ay keeneen doorashooyin maqaarsaara oo ujeedadoodi ahayd in lagu marinhabaabiyo bulshadad caalamka si ay Somaliland ugu arkaan goob cadaalad iyo dimuqaraadiyad ka jirto.
Saylac waxa ka dhacayaa waa qayb ka mid ah dhacdooyin taxane ah oo qorshaysnaa yoolkooguna ahaa welina yahay sidii loo xalaashan lahaa deggaanada xeebaha Saylac iyo Lughaya. Waxaa qorshahaa ka mid ah degaanka Gabilay oo si badheedh ah looga sifaynaayo qabiilka Gadabuursi tiiyoo la isticmaalaayo maamulka Somaliland oo si qabiilaysan maamulo aan jirin ka wada koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gabiley.
Saylac ta maanta ka socotaa waa mid markhaati ka ah in ay socoto qorshe ay ku bahoobeen xukumada Jabuuti oo ku maran ganacsato beesha dhexe ka soo jeeda iyo maamulka Silaanyo iyagoo daba socda heshiis dhowr sano ka hor Daahir Rayaale la galay Madaxweynaha Jabuuti iyo koox ganacsato ah oo Habar Awal ah. Heshiiskaas gundhigiisu wuxuu ahaa in Rayaale magacaabo gobol Awdal laga gooyo laguna sunto in maamulka gobolkaasi gacanta u galo beesha Ciise. Rayaale markuu magacaabay gobolkii isagoo hirgalinaaya heshiiskii wuxuu Gudoomiyaha Salal u magaacaby nin Ciise ah, magaalada Xariirad-na wuxuu u dhiibay nin Ciise ah. Ka dib doorashooyinkii degaanka ee 2005-kii Rayaale wuxuu Saylac u igmaday Mayar Ciise ah, golaha degaankana wuxuu aqlabiyada siiyay Ciise. Hawshaa la yaabka leh Rayaale wuxuu ku badishay kiish lacag ah oo dhan 7 milyan oo dollar.
La yaab maaha, waxa Saylac maanta ka socdaa. Dhacdooyin ka fool xun oo dhabar jab ah ayaa horey u dhacay. Jidgooyo, Seemaal, 13 kursi oo barlamaanka ah, hay’adihii shisheeye oo Awdal ka mabnuuc ah, Gabiley oo magaca Gadabuursi laga tirtiraayo siduu Rayaale ansixiyay, miisaniyada dawlada oo boqolkiiba 5 wax ka yar Awdal hesho, 98% wasaaradaha oon hal shaqaale oo Gadabuursi joogin, jid la’aan, deked la’aan, ciidanka oo shaqo lagu lahayn etc…
Dhacdooyinkaas oo idil ayaa la soo xamilay, axna lama odhan, ufna lama odhan urna loo dhimay. Markaa Saylac waa saleelo.
Saylac waa saleelee, Saw baa ladabo mari!
Guuxa iyo telefoonada dibada laysku wareeriyay waxba kama soo socdaan. Ogaada taas. Waxaana u daliilan xaqiiqadan:
Ka dib markay soo ifbaxday arrinta Saylac, waxay cid walba maqashay in Abdiraxmaan Saylici gaashaanka ku dhuftay qorshaha Silaanyo iyo Geele ku soo heshiiyeen. Muxuu Gadabuursi kaga jawaabay? Waxba.
Maxaa Boorama aamusiiyay? Siyaasiga damqaday ee noqday kii ugu horeeyay ee labaatan sanno iyo dheeraad ku dhiiraday inuu yidhaa MAYA, aaway dadkii u hiilin lahaa?
Aaway magaaladii Boorama ee labada Jaamacadood ku yaaleen? Aaway dhalintii calanka dulmi-diidka ah kor u qaadi lahayd? Aaway waxgaradkii dhulka joogay ee hadli lahaa? Aaway odayadii miidhada ka dhiidhiyi jiray? Aaway sharaftii iyo karaamadii ummadu?
Halkii inaan fur tuurno laga baqan lahaa ayaa weliba Ina Biixi Boorama laga sugayaa. Boorama-na way soo dhawey sideedii. Aaway Sharaftii Gadabuursi?
Cabdi waraabe iyo Ina Biixi waxay doonaan iyagu ha la socdaan, odayada Gadabuursi arrin qudha ayaa u banaan: Arrinta Saylac oo ay ku adkaystaan in natiijadii doorashada Saylac la ga hadli Karin haddii kale in dalkoo dhan doorashadiisa dib loo eego. Laba In natiijada doorashada Gabilay tahay mid aan xaq ahayn Gadabuursina sinaba u yeelay.
Wixii intaa dhaafsan waa Gadabuursow u diyaargarow inaad Sow xagga dambe ka martaan.
COME ON BORAMA, PLEASE STAND UP!
source
www.Xeegonews.com