Fanka
Maamulka Jibouti ayaa sidii Xorriyadda fransiiska looga helay, waxa uu takoor ku hayay beelaha dhalasho
ahaan ka soo jeeda Somaliland,isaga oo ka faaiidaystay nidaamkii gumaysiga fransiiska ee qaybiyoo xukun.
Waxa kale oo jirtay xiligii Dawladii Militerigu ku talin jirtay Somalia in labadii maamul ee Xamar iyo Jibouti
isla soo qaadeen in Zaylac ay ka mid noqoto ama hoos tagto maamulka Jibouti.

Xilliyadii Somaliland jirtay maamulka Jibouti waxa uu dhawr jeer isku dayay inay arrintaa dhaq-dhaqaajiyaan
iyaka oo mar isku dayay inay degaamayn cusub ku sameeyaan xeebaha galbeedka somaliland iyaka oo ku
andacoonaya in ay jiraan qaxoonti boqolaal kun kor u dhaafay oo ka bara kacay dhulka Xeebta waqtigii
dagaaladii siyaad barre lala galay, arrintaas oo maamulka jibouti ku fashilmeen, waqtigii ina Cigaalna
ay ahayd meesha mar walba iska horkeenaysay labada dal.

Haddaba Beelaha Ciise ee wax ka dega degaanka Zaylac waxa aad moodaa inay majaro habaw ku
dhacay waayo waxa ay wada hadal iyo laab xaadhasho la samayn lahaayeen Beelaha Samaroon ee
Dega degaanka Zaylac iyo Lughaya, suura gal maaha in xukuumadda Kulmiye soo xanbaarato
Mashruuc horeba u suura geli waayay isla markaana kala qaybin iyo iska horkeen abuuraya.

Waxa kale oo aan marnaba suura gal ahayn in fikrad reeraysan lagu dhaxal wareejiyo degaanka
Somaliland gacantana loo geliyo Maamulka Jibouti, waayo waxa markhaati ma doon ah in maamulka
Jibouti uu gacan weyn kula jiro arrintan.

Waxa aan ka digayaa cid kasta oo faraha kala bixi weyda arrintan inay ku guban doonto, waxa kale
oo aan xukuumadda Kulmiye iyo Jiboutiba oga digayaa inaanay iska hor keenin dadka walaalaha
ah ee wiil iyo abtigiis ah, shacabka degaankana waxa aan leeyahay idinku arrinsada ama wax isaga
tanaasula ama cod isku muquuniya, hadba sida aa dan moodaa, hana aqbalin mashruuca burburinta
iyo kala qoqobka dadka iyo dalweynaha, waxaana maanta tihiin Ilaaliyaashii Somaliland.
Waxaan idiin rajaynayaa Guul iyo Xasilooni waarta. Mareegaha Reer Awdalna waxa aan leeyahay
arrinta meel kale ha u kaxaynina ee sida ay tahay u sheega si shacabka somaliland u wada fahmo.

Ibrahim Duale Sulaiman(Talaabo)
somaliland44@hotmail.com