P2430578Borama(Subulahanews)Kacdoonka shacabka ee ka socday Borama ayaa sii xoogaysay maanta duhurkii ,labad dhinac xukuumada wafti ka socda ,duqayda iyo waxgaradka degmaduna wax wada hadal ah ma yeelen, iyadoo lagu mashquulsanaan aaska wiil dhalinyaro ah oo shalay ku geeriyooday hospitalka guud ee magaalada Boarama, Waxa sidoo kala maanta duhurkii ku geeriyotay gabadha dhalinyaro ah taasi oo u naf baxday dhaawac ka soo gaadhay rasaas ay la beegsadeen Askar lagu sheegay kuwa somaliland.

Waxaa xalay galin dambe magaalada soo gaadhay cutubyo ciidamo ka soo kicitimay magaalada haragaysa si ay u xoojiyaan askarta ilaalda ee waftiga la socotay, dhaliyaro gadoodsan ayaa isku gadaamay jiida waftigu ku sugaynayahay , ciidamada ilaaladuna waxay ridayeeen raasaas faro badan .. rasaastan oo laga maqlaayey daafaha magaalada, dhaliyarda ayaa iagu taxay ilaa kontorolka magaalada laga soo galaayo , kuwaasi oo isku diyaarinaaya inay weeraraan waftigu marka ay ka soo baxaan hutelka ay ku suganyihiin.

wixii wara ka soo kordhan kacdoonka kala soco subulahanews..