Fanka
Fursado badan ayaa Gadabuursi soo maray laakin tan maanta heysata oo ay dadka badidiisu u haystaan guuldaro waxay tahay fursad dahab ah. In badan buu Isaaq inagu dayay “mashkax” ( Mashkaxo waxa weeyi ka lagu kala garto waxa jawaanka ku jiri in u yahay bariis, sunkor, milix, daqiiq,etc.) hase yeeshe eh mashkaxan maanta la inagu dayay ayaa soo saaraaya maadada Gadabuursi ka sameynsan yahay.

Ku noqon maayo mashaqooyinkan dhacay oo waa laga wada dheregsanyahay, waxanse uga gudbayaa waxa gadabuursi u dan ah:

1) In waftiga dhiigyacabka in Biixi wato si degdeg ah uga baxo Borama

2) In M/Xigeenka, kuwa Guurtida, kuwa Baarlamanka iyo kuwa Dowlada Kaga jira beesha Gadabuursi soo galaan Borama

3) In shir ay u dhan yihiin Salaadiinta, Cuqaasha,aqoonyahanka, Dhalinyararada, iyo Siyaasiintu la qabto

4) In laga tashado amar ku taaklaynta Isaaq

5) In dib loo furo shirkii Borama ee lagu dhisay dowladan maanta la inagu dilayo.

6) In la caleemo saaro Meeyarka iyo Meerya ku xigeenka saylac oo xaflad aan waligeed la arag loo sameeyaa.

Waxa rasaas kaga daran Gadabuursi kuwa Isaaqu adeegsanaayo ee la moodaayo in ay Gadabuursi u maqan yihiin. Xal wuxuu ku jiraa, inaynu kab iyo xaarkeedba waa la isku tuuraaye, in kuwa u adeega Isaaq xadhigood go’, xadhigooda la jaro ama ay noqdaan kuwo umadooda u adeega.

Haddii aan sidaa samayn wayno, waxaan ku dambaynaynaa ummad joogta oo aan jirin. Sidaas maanta muuqata uun baan kolba mid aasayna oo u noqonayaa nin dameer dilay.

Mohamed Mouse