Borama damaashad (20)Borama(Subulahanews)Saakay abaarihii 9:00 subaxnimo ee waqtiga Boorama ayaa  mar qura waxaa kabilaawday magaalada dibadbaxyo damaashaad iyo farxada oo ay kaqeybgalayaan kumanaan dada oo isugujira waayeel, dhalinyaro iyo caruur.

Dibadbaxan ayaa waxa uu bilaawday kadibmarkii salaadiinta reer Awdal oo saaraan gawaarida daboolan ay usheegeen dadweyne iyag in hawshii ay kudhamaatay sidii ay doonayeen mayor iyo mayorkusxigeenkii Zaylacna ladoortay loonadoortay  Xuseen Daahir Iidle iyo Sacad  Dahir Cige.  Labadan xildhibaan ee loodoortay inay maamulaan degmada Zeylac ayaa labaduba waxa ay kasoojeedaan beesha Samaroon oo ah beesha kuguuleysatay aqlabiyada kuraasta golaha deegaanka degmada Saylac.

Intaa marka ay maqleen dadweynihii kususugnaa goobta ay  salaadiintu kahadlayeen ayaa mar qura waxaa  bilawday dabaaldegyo farxadaleh.

Dadka ayaa kumuujinayey farxadooda halkudhigyo, ciyaaro, gabayo, baaruud ridid iyo nac-nac qeybin.  Dadka ayaa isuguhambalyeen guusha iyo farxada ay gaadheen iyo mawqifka mideysan oo ay salaadiintooda kaqaateen arrinta Saylac.  Dadweynaha magaalada Boorama yar iyo weynba waxaa kamuuqanayey wajiyadooda farxad, midnimo iyo reenreen. Dadka reer Boorama oo aan  looga baran ineey simideeysan arrimahooda siyaasada ugaddlaan ayaa saakay  muujiyey inay arrintaasi dhamaatay hadda wixii kadambeeyana ee kumideysanyihiin arrinkasta oo dhexdooda ah.

Dadweynaha ayaa u riyaaqay midnimaddii salaadiinta samaroon ay kamuujiyeen arrinta Saylac waxaana kamid ahaa erayaddii ay kudhawaaqayeen “ noolaada salaadiin kaalintiinii waadkasoobaxdeen” iyo erayo kale oo aad ubadan.

Dhinaca kale haddaynu ka eegno,  dibadbaxan damaashaadka ah ee saakay kadhacay Boorama ayaa waxaa uu kusoobeegmayaa maalin dadka  shaqaalaha ah ee kashaqeeya Boorama ay fasaxa sanadka cusub kujiraan, adduunkoo idilna loogadabaadegayo sanadkacusub ee 2013.

Ugudambeentiina,  waftigii  balaadhnaa uu hogaaminayey madaxweyne kuxigeenka Soomaaliland  Mr Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo kakoobnaa wasiiro iyo guurti oo uyimi Boorama arrinta degmada Saylac ayaa loosiisogootiyey sinabadda iyadoo waxa ay usocdeen aan kuguuleysan.

Saxafi Axmednuur Cusmaan Daahir

subulahanews

Borama