muusa biixilayMaansada waxa curiyey Eng Mohamed Ali Hussein tariikhdu markay ahayd 01-01-2013, waxayna ka mid tahay sil-silada maansooyinka HUB-QAAD waana qaybteedii labaad looguna magac day BIIXI MUUSA LEY. kana turjumaysa xaalda qalafsan ee ka taagan dalkeena hooyo gaar ahaan deegaama gobalka xeebta ah ee SALAL.

 

maansaduna waxy u dhaday sidan

 

 

BARWAAQADIYO GUUSHAAN BOQRAY

BOQOLAALSANIYO BAARQAB KOODIRIYE

BAHDAYBAA BILDHAANTIYO BIXISAY

BASAN BAASKII BEEN ABUURKA AHAYE

BAROORDIIQDA BEELAHA DARIFKIYO

BAAHIDOODA BUUQIYO QAYLADA’AA

BAR-BAARTII DALKEENOO BOQOLA’A

BI’I WAAYE BOQNO GOYSAY BAAQIIYE

BIXIN BAASKA INNA BIIXI MUSALAY IYO

INTA BALAAYO BEERKA KA ALOOSTIYO

BALOOLAYDA BA’ANNEED BARKATIYO

BIXI WAA INDHAWAYD BIQILKOODIIYE

BARWAAQA SOORKA BAAHIDA TIILAY

BARTA BEENLAYDU DEGTIYO BIIXILOWE

BUURYO QABKA HADALKIYO HADDAY

KULA BOOBAN BUDH IYO TORAY BIRA’E

AMA BAROORTAAN SIDII BARISAMADKIYE

BAABIWAYDAY XAAJADAAN BALADKIYO

KU QORAY BAAL DABAHLAYDA BEERKIYO

BOGAYGIYO LAABTIYO BARTA WADNAHA’E

BILIC WANAAG DUMAR SIDOODIIYO HADAAD

BAROORTIYO DAN MOODAY BUUQA TAAGAN

BARYO XAAJADAAN BOGEEDA SALAAXAYIYO

BAARKA GUUDKIYO BURCAD U MARINAAYEY

BASAN BAASKA MIDAAN ISHA KU BUURAYEY

BOQNA GOYSAY SAMIHII BAARIGA AHAYE

BILAAWIYO HADAAD BEERKEDA GOYSAY

BUUR IYO KA TUURTAY BARI GUNTIIYE

BAL QABSO MAANSADAN BAARIGA AHE

BAR-BARKIYO KAAGA TIMID BUULAYDIIYE

BUQ-DHADIYO KAAGA TIMID ILO BIYOLAY’E

BOORAMIYO KAAGA TIMID BAR AQOONEEDE

LUGHAYA BADEEDIIYO KAGA TIMID BALADKIIYE

BEERALAYDA BAKKIYO KAAGA TIMID BOONE’E

BILDHAAN QURUX WANAAG IYO KAAGA TIMID

BARO LAGU CAWEEYOO BAAHIDU KA MUUQAN