Xaaji-Cabdi-waraabeBorama(Subulahanews)Weftigii Xukuumadu u dirtay arinta golaha deegaanka Saylac in loo doorto Maayir ka soo jeeda Beesha Ciise ayaa ku fashilmay  markii hogaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Awdal ay meel adag ka istaageen, iyagoo sheegay inaanay marnaba aqbali doonin in Ergo laga galo Distoorka, xukuumadana ugu baaqay inay Xakamaha ka qaado golaha deegaanka Saylac. Weftida xukuumada oo uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenku oo ay ka mid ahaayeen ku dhawaad todoba Wasiir, Xisbiga Kulmiye, Guurtida iyo Baarlamaanka ayaa kulan aan Saxaafada loo ogolayn Hotel Mana kula yeeshay Hogaamiyeyaasha Dhaqanka ee Boorama.

Ilo Wareedyo ka ag dhawaa Kulankaasi ayaa  sheegay in ergada Xukuumada oo ay u hadleen Xaaji Cabdi Waraabe, Muxumed Aw Axmed iyo Cawil ay oday dhaqameedada Boorama u sheegeen inay u socdaan ergo ay ku doonayaan in Maayirka golaha deegaanka Saylac ay u daayaan beesha Ciise, waxaanay ku sababeeyeen dano badan oo ka dhexeeya Somaliland iyo Djibouti. Hase yeeshee Waxa la sheegay in arinta Ergada ay ka jawaabeen Suldaan Samatar, Suldaan Dawal iyo Suldaan Abiibakar Wabar, kuwaas oo ergada u sheegay inay u arkaan mid beesha ay wax u doonayaan ee ay walaalaha yihiin aanay jirin wax ay isku diidan yihiin oo ay ula yimaadeen oo ay ka codsadeen, ergadana ay u arkaan kuwo labada beelood colaad ka hurinaya, iyagoo intaasi ku daray Hogaamiye dhaqameedada Boorama inay u arkaan arinta ergadu inay tahay mid dastuurka Somaliland ka baxsan, waxaanay sheegeen in aanay aqbalayn arintaasi, hadii beesha Ciise wax la siinayana in la siiyo gudoomiyaha Guurtida iyo Wasiirka Arimaha gudaha waa hadii dano badan Somaliland ay kaga xidhan yihiin Djbouti. Intaasi ka dibna Madaxweyne ku xigeenka ayaa shirkii soo xidhay, kaas oo sheegay inay kulan tashi ah ay weftigooda xukuumadu ay Hargeysa ku yeelan doonaan oo dib la isugu soo noqon doono. Si kastaba ha haatee Magaalada Boorama ayaa shalay galinkii dambe degenayd marka laga yimaado galinkii hore oo waxooga mudaharaado ahi ay dhaceen, waxaana shalay Aas loo sameeyey Wiilkii dhalinyarada ahaa ee ku dhintay Rabshadihii ka dhacay Boorama Doraad, iyadoo culimada iyo Odayaasha dhaqankuna ay gawaadhi ay ku xidhan yihiin codbaahiyeyaal ay ugu baaqayeen dadka Boorama inay nabadgalyada ilaaliyaan.

 

Source haatuf