XAFLAD LAGU DAAHFURAY MASHAARIIC AQOONEED OO KA MID YAHAY JOORNAALKII UGU HOREEYE EE KASOO BAXA MAGAALADA BORAMA

Xaflad aad u balaadhan oo sifiican loo soo agasimay ayaa kadhacaday Hoolka Hottelka waynee HALDOOR, Xafladan ayaa daaha laga qaaday mashaaric wax-qabadaqooneed oo kal ahaa;

• Magazine bile ah ku soo bixidoona labada luuqadood English iyo Somali oola magbaxay {BORAMA STANDARD, Iyo WARGAYSKA BOORAMa}

• Borama Center for Public Documentries and Consultancy oo ah xarun guud oo lagu kaydin doono tariikhda iyo Documentiyada qiimaha leh ee gobolka iyo guudahaanba dalka. Xafiskani waxa uu qabandoona aadeegyo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Adeegayada Qoralka, Adeegayada daabacad, dubista, Kaydinta iyo baadhida Xogta Tariikheed iyo waxkasta oo ahmiyad kuleg leh. Waxa kale oo xafiiskani wax ka qabandoonaa dhinacyada kaladuwan eeTalobixinta Ganacsiga.

• Borama College for Academic Studies oo ah xarun waxbarasho casri ah oo ay ardaydu kahelidonaan adeegyo waxbarashoo ilaa heer jaamacadeed ah.Halku dhaga Collegkan waa. Because quality matters ama TAYO waxbarasheed

Xafladan isku dhafan ayaa 1-01-2013 daaha laga furay mashaariic daas oodhan ayaa waxaka soo qayb galay aqoonyahano, Siyaasiyiin, Odaydhaqameedyo, Culimo iyo Hawen, Waxana furay Axmed Abib Hayir oo ah Mareyaha Mashaariicda.

Mashricadan aqoneed ayaa waxa la filayaa in ay wax badan kabadalaan houmarka umada rer Awdal iyo Somalilandba. Fikradahan waxa ay ka soo maaxdeen cilmibaadhis ay sameeyeen Dirir Haayir Ducaale iyo wiilka uu adeerka u yahay ee Axmed Abiib Hayir. Dirir Hayir Ducaale oo isagu maalgalinayay mashaariicdan ayaa islmarkaana kutaamaya in uu hirgaliyo hawlo kale oobulshada waxtar u leh.

C.laahi Raage”Zayid Cazaam”

Subulaha News Network

Boorama Awdal