IMG_0254Muqdisho(subulahanews)Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa soo gaba gabeeyay safarkii ay ku joogeen dalka Suudaan iyadoona kulamadii ay la qaateen mas’uuliyiinta dowladda Suudaan uu ku soo dhamaaday guul.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo mudo laba maalin ah ku sugnaa dalka Suudaan isago iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa maanta xaflad sagootin ah loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum.

Madaxweynaha ayaa kulan xalay kula qaatay madaxtooyada Qaranka dalka Suudaan dhigiisa dalkaasi waxeyna labada Madaxweyne ay kulankooda waxyaabihii looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa dib u dhiska dalka iyo ka qeyb qaadashada tababarada ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ay booqdeen intii ay ku sugnaayeen dalkaasi warshada daabaceysa lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo haatan ka socota dalkaasi, madaxweynaha oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in dib loo dhigo daabicida lacagta loogu talagalay dalka si loo dajiyo dalka si ay saameyn ugu yeelan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan magaalada Muqdisho iyadoo soo dhaweynta Madaxweynaha iyo xubnaha la socda ay si toos ah uga socota garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.