duuliye_asli_calansidaDUULIYE ASLI XASAN CABAADE “CALANSIDA” OO WACYI-GELINEYSA UMMADDA SOOMAALIYEED

Soomaalaay, waayadan dambaba waxaa indhaha ama dhegaha Ummadda Soomaaliyeed ku soo dhacayeen hadallo ama qoraallo ka soo burqanayay (Website) yada, Raadiya-yaasha ama (TV) yadaba, kuwaasoo ku saleysnaa arrin aad looga naxo ama laga xumaadaba ah, loona baahneyn xilligan aannu ku jirno ama marxaladda uu marayo waddankeenna Soomaaliyeed. Marka hore Soomaalaay, waxaad ogaataan ama xusuusataan waddankeennu inuu leeyahay dhul ballaadhan iyo xeebta ugu dheer xeebaha Qaaradda Afrika, ruux waliboo Soomaali ahna ka badbadan. Haddaba su’ aashu waxay tahay, ma waxaan ku jirnaa waqti aannu ka hadalno oo aannu isku qab-qabsanno Gobollada Soomaaliyeed, mise sideen ku hanan karnaa waddaninnimo iyo hufnaan, ama sideen ku heli karnaa nabadgelyo buuxda, waxaadna moodda badanaaba Soomaalidu iney waayahan dambaba aad ugu mashquulsanyihiin ka hadalka Gobollada Soomaaliyeed, ee uu hakadna galay doonistii nabadda iyo adeegyada guud ee bulshada, iyo waddaninnimo aanan jirinba.

Soomaalaay sow ma ogidin, haddii Soomaaloo idil ay wada degaan hal gobol, inuu ku wada fillaan karo oo ay nabad ku wada degganaan karaan, waa haddii ay tawfiiq jirto, oona la xusuusto in ay Soomaaliyoo idil ay yihiin hal qoys oo walaala ah, haddana isku Diin, isku Af iyo isku Dhaqanba leh. Waxaad ogaataan ineysan Dawlado shisheeye aysan waxba idiin kordhin karin ama idiin talin karin oo aydnaan maskaxdooda ku socon karin, Soomaali waxaa lagu yiqiinnay iney aragti dheeryihiin, kartina leeyihiin oo ay waligoodba ka gacan sarreyn jireen ama ka feejigsanaan jireen siyaasadda cadawgooda gudaha iyo kan dibaddaba, haddaba maxaa ku dhacay Soomaali oo ay dhalan iyo dhaqanba u rogmeen. Soomaalaay, waxaa horay loo yidhi: (Baroorta Orgiga ka wayn), taasoon uga golleeyahay in Soomaaliya horay loogu tashaday, si aysan u soo ceshan Qarannimadeedii, intaad idinku isku mashquulsaneydeen, ayaa la’idinku mashquulsanaaye, ka kaca hurdada, indhahana kala fura, oo ka gudba is qab-qabsiga aanan macnaha ku fadhiyin, yaanan dib loogu celin ummadda Soomaaliyeed marxaladdii laga soo gudbay ee ahayd, is qab-qabsigii qabyaaladeed ee aafeeyay Diinteenna, Dadkeenna iyo Dalkeennaba.

Waxaan idiin sheegayaa sheeko yar oo dhacday waayadii Soomaalinnimada dhabta ah ay jirtay, rag Odayaal ah baa meel isugu yimid, ayagoo ka xaajoonayay in ay u guuriyaan wiil ay aad u jeclaayeen, haddaba Oday Odayaasha ka mid ahaa ayaa wuxuu yidhi: laba gabdhood oo walaala ah oo aad u qurux badan ayaannu u tageynaa, kaddibna su’aal waydiineynaa, annagoo halkaa ka qiyaasan doonna caqligooda, haddaba labadii gabdhood ayaa loo yimid oo la waydiiyay mid waliba su’aal oo ahayd: (Muxuu Aabbahaa ka talin jiray?), midbaa waxay tidhi: Aabbahay, waxa laga soo tagay ayuu ka talin jiray, tii kalana waxay ku jawaabtay: Aabbahay, waxa soo socda ayuu ka talin jiray, haddaba waxaa la guursaday tii tidhi: (Aabbahay, waxa soo socduu ka talin jiray). Hadda iyo dan waxaan ugala jeedaa Soomaalaay, waa inaad iska deysaan mindi-mindi ku taagga oo aad ka talisaan mustaqbalka iyo horumarka waddankeenna, aadna yeelataan Tayo, Talo iyo Tanaasulba.

Soomaalaay, (Ilaahay s.w.t.) wuxuu caqliga inoo siiyay inaan ku fakarno, qalbigana inoo siiyay inaan ugu naxariisanno kuwa mudnaanta naga leh.

Soomaalaay, horaa loo yidhi: (oodi qaadis iyo jiidisba waa isla guri-geyntii), haddaba afkaartiinnu waa wanaaggii uune, maad dhanka wanaagga ka eegtaan oo aad ka gudubtaan dhanka xumaanta.

(Wa tacaawanuu calal birri wat-taqwaa, walaa tacaawanuu calal ithmi wal cudwaan).

Is kala qaad-qaad waxba noo tari mayso, (Dugsi malaha qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane), Soomaalaay kiinna khaldan ka qabta khaladka, kiinna saxsanna gacan ku siiya wanaaggiisa oo haka hor imaanina, waana lagama-maarmaan is maqalka iyo is fahamkaba, haddaba waxaan ku soo gaba-gabeynayaa qoraalkeygan, ama idin xusuusinayaa Soomaalaay, dhibaatada meesheey naga haysato waa xusuustii iyo cabsidii Allaah s.w.t. oo ka yaraatay Ummaddii Soomaaliyeed in yar mooyaane, waayo waxaa wali sii socda, dhiigga walaalaha oo macna darrada ku daadanaaya, dulmiga lays dulminaayo iyo naxariis darrada aan laysu naxariisaneyn, waxaana la illaaway Aayaddii ahayd (Wat-taquu yawman turjacuuna fiihi ilallaah). Ilaahay s.w.t. ayaan inooga baryayaa inuu tawfiiqda ina waafajiyo, xaqana ina tuso, aamiin. Xusuusannana naf-waliba waxay kasbatay oo shar iyo khayrba leh, in laga abaal marin doono.

Soomaalaay dib u xusuusta sharaftii, Qarannimadii, haybaddii iyo nicmadii Allaah s.w.t. ina siiyay, oo aannu shukrigeedii la’ imaan waynay, kaddibna waxaannu galnay 22 sannadood oo ay Soomaali isku halaagsantay, oo ay noqdeen qaar badaha ku harqaday, qaar waddamma kale u qaxay, oo haddana qax kale kala kulmay, qaar ayagoo lugeynaya jidadka, ay gaajo iyo harraad ugu le’deen oo ay bahallada duur-joogta ah ku cuneen, qaar baa xeryaha qaxootiga ee waddammada dariska ah ku macaluulsan, qaar baa xabsiyada Adduunka ka buuxa (Europe siiba U.K., Holland, Mareykanka khaas ahaan Minnesota iyo Columbus, Ohio), qaar baa (South Africa) lagu laayaa goor kastaba, qaar baa Kawaan looga furtay buuraleyda Yemen oo xubnahooda qaaliga ah looga ganacsadaa, qaar baa wali ku jira xerya-qaxooti oo waddanka dhexdiisa ah oo ay ku ildaran yihiin, haddaba waxaynu noqonnay Ummad looma ooyaan ah, oo iyagu isku dhigay dhibaatada haysata, waayo haddii dhib idinku dhaco, lama yidhaahdo muxuu inoogu dhacay, ee waxaa la yidhaahdaa, sideen dhibkan uga bixi karnaa oo aan u tiigsan karnaa wanaaggii aan uga gudbi lahayn, si kastaba ha’ahaatee Alloow noo sahal umuuraha, aamiin.

———————————————————

Ma kala qaybsami kartoo, Soomaalidu waa mid qudha

Waa qoys Oday wada dhalay, oon qabiil ku kala tageyne

Qawlka hadalka iyo muuqaba, Diintoodana waa mid qudha

Qaaradda Afrikeey degaan, iyo inta ugu quruxda badane

Qandhada cudurka iyo xanuun, riiraxyada qufaca daba jooga

Jidhkoo qaar baahi qaba, qaybta kale miyey laddaa?

Cadawga qudhunka lahee, Dalkeennii kala qoqobay

Qisada ka dambeysa taa, waa kala qaybiyoo xukune

Khayraadkuu qaadanoo, quwaddeennuu kala qubi

Walaala is qoomayaanna, qayrkood gaadhi-maayaan

Hayskala qaad-qaadinoo, qabiilkana illooba oo

Qaddarka Eebbena, waa inaad ku qanacdaane

Lagama quusto Naxariista Eebbe, iyo Qaaya waynidiisa e

Qaaddirkiinna cuskada, oo gacmahana is qabsada

Axyaa Waddanii * Yaa Soomaali Aheey * Axyaa Waddanii

aslicalansida@hotmail.com ama aslicalansida@yahoo.com

 

source qaranimo