Hargeysa-(SNN)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan Ayaa Lasheegay In Bishan aynu Kujirno Laga Qaadi doono Xilka Wasaaradda madaxtooyada.

Sida Warar Lagu Kalsoon yahay Uxaqiijiyeen Shebekadda Caalamiga ah Ee SNN Xilka Qaadista Wasiirka Ayaa Imanaysa Kadib Cabashooyin Tiro Badan Oo Shacab Somaliland Ay Kamuujiyeen Wasiirka Madaxtooyada Somaliland,

Sanadkii Horre ayay Ahayd Markii Qaar kamid Ah Waxgaradka Bariga Magaalada Burco Ay Madaxweynaha Somaliland Kulan Kula Qaaten Aqalka madaxtooyada Somaliland, Kulankaas Oo Lasheegay Inay Madaxweynaha Ugu Soo Gudbiyeen Tabashada Shacabka Somaliland Ee Ku Aadan Wasiirka Madaxtooyada Kana Codsadeen Inuu Bedelo, Balse Arinkaasi Madaxweynaha U Cuntami Wayday,

Sikastaba ha Ahaatee Lama Garanayo Xilka Qaadista Wasiir Xirsi in Loo Bedeli Doono Wasaarad Kale Iyo In Sidaa Lagaga Saari Doono Xukuumaddan Iminka Talada Haysa.