FankaIyada oo dhamaan Shacab weynaha reer Somaliland ka dheregsan yihiin in Xukuumadii Kulmiye ay Guryo-noqotey oo ay Raatkeedii dib u-raacdey. ayaa Hadana wararka iyo Hadalada hada ka soo bur-qanayaa Xisbiyadii Mucaaridkaa ahaa ayaa u -muuqda qaar aan iyaguna dux iyo dha-dhan midna laheyn. Hungadaas Qaawan ee Muwaadiniinta reer Somaliland ay ku Hun-goobeen Xukuumadii ay Codkooda ku Doorteen ayaa aad u gaa-gixineysay xiisihii Wadaninimada aheyd ee ay ummaddu wadanka u-hayeen gudo iyo debedba, hadaba hadii aaney labada xisbi ee mucaaradka ahi- waa Wadani iyo Ucide Hadii aaney hada Weysda u-biyeysan sidii ay u-noqon lahaayeen Mucaarid adag oo mideysan si ay xukuumadan Booshaaqa noqotey ee ay ku dhex-milmeen Hayadihii isu noqon lahaa dabar iyo seeto (Check & balane.) si ay Tilmaan iyo Toosinba u siiyaan oo ay u-faruur xidhaan Xukuumada ayaa iyadu keeni karta in Muwaadiniintii doortey Xisbiyada mucaaridka ah in ay saadaaliyaan rajo wanaagsan oo soo muuqata mustaq-balka Somaliland.

Fara Gelinta qaawan ee ay Xukuumada Kulmiye ku dhaba-baceysey Dastuurkii wadanka u yaaley iyada oo aan Qodobna u-aaboo yeeleyn miyey Qaran Waa yeen Xisbiyadii Mucaaridka ahaa Xukuumada ku Toosiya Tubta toosan?.Miyaaney arkeynin sidii layaabka la heyd ee ay Xukuumadu ugu Gel-gelimeysteen Xeerarkii Doorashooyinka Xeer 20 iyo Xeer 14,? iyada oo xeer 14 markii xukuumadii iyo komishankii ay dhulka ladhaceen xeerkaas ay hada reer Som/land u-bixiyeen Xeerkii is-xanbaarka kadib markii ay Xukuumada Kulmiye Goysey cayntii iyo baydii isu haysey faraqyadii xeerkaas, faro-gelinta ba’ana ay Xukuumadu ku sameyse xeerarkan ayey kala kulantey Golayaashii Degaanka ee Gobolada Sanaag, Seylac, Saaxil, Borama iyo Lughaya- Asqow, iyo Jahwareerkii baahsan oo aan ilaa iyo hadda la maareyn, xataa musharaxiintii xisbiga kulmiye ay ku ab- tirsanaayey oo iyaguna Xisbigii ka xidhiidh furmay markii ay u-adkeysan waayeen sida ay wax-usocdaan. Taas oo aaney ilaa iyo hada ka soo doogsan Xukuumadu niyad jabkii, waji-gabax ii iyo rastooyinkii islaba roga ahaa ee ay kala kulantey Golayaasha Degaanka ee aan kor ku xusey.

Caqabadaha Cakiran ee Hada Xukuumada Horyaala marka halkooda loogu tago qoraal kooban laguma soo koobi karo,laakiin waxaa laga wada dheregsan yahay in qabyaaladii ay ugu darantahay oo muruqyo adag yeelahay waayadan danbe. waxaa ay xukuumadu iyana si yar isaga fududeysatey oo isha uga la-lisey Musharaxiintii aan guuleysan oo Tiradoodu ay kor u-dhaafesey 2000 oo Musharax oo ay ku-jiraan baar-qabyo ay degaanada ay ka soo jeedaan ay baarka u-feedheen kuwaas oo Kharaj aad ubadani uu kaga baxey Doorashadii iyaga oo weliba si cadaan ah Indha-hooda ku arkaayeyna Codkoodii oo la boobay kuwaas oo kala kulmey Doorashadii Xaq-daro, Cadaalad daro, Musuq-maasuuq , iyo waliba Komishankii Qaranka oo isagu intii uu u-garsoori lahaa isaguna khal-khal kale oo hor leh isna keeney oo la shir-yimi Go’aano is -burinaayo oo aan meeshaba laga fileyn.

Waxaa aynu isna ognahay in nidaamka dawladnimo ee Somaliland uu ku dhisan yahay Sadex dhar-dhaar oo kala madax banaan oo isu ahaan jirey Dabar-iyo seeto ( Check and balance) kaas oo mid waliba leeyahay waajibaad u gaar ah sida: bal ka soo bilow : Hayadii Fulinta-

1- Hayadda- Fulinta, ee Hadda Jitraa waxay Noqotey Hayad aan mijo iyo Madax laka laheyn oo Booshaaq ah.Hayad ay shidhka u fadhiyaan koox isku milmay oo xulafo ah oo ay ka mid yihiin Xidhibaanadii Baarlamaanka kuwii ugu cad-cadaa iyo Madax-duubyadii Guurtiga kuwii ugu Khabiirsanaa iyo Wasiiro master Key wada nodey oo meel-walba fura.Waxay Xukuumadu Xilalkii Wasiirada u-xanbaarisey. Niman badan oo aan weligood xil-ummadda u qaban kuwaas oo aan laheyn ama aan qaadan tababaro ay ku maareeyaan Xafiisyada iyo xillalka ay ummadda u hayaan. waxay Xukuumada Kulmiye Miciinsatey oo isku xeertey Wasiiro qaranimadii, dawladnimadii iyo Karaamadii ummadda meelkaga dhacey. kuwaas oo dhaawacey midnimadii, isku-duubnidii iyo wax-wadalahaanshihii ummadda Somaliland ka dhaxeysey arintaas oo sababtey in ay bilaabeen dhamaan Beelihii Somaliland wada Deganaa in ay Aayahooda ka tashadaan oo shir-beeleedyo wada sameystaan .

Waxaa Wasiiradaa aan kor ku soo -xusey ay kuwada -fashilmeen Buugii Qorsheynta Wasaaradahooda ee miiska loo saarey ee ay ku Qodobeys-naayeen Qorshe-Hawleedyadii Wasaaradahooda, iyo Qorshihii Horumarinta iyo Higsiga Qaranka laga doonayo in uu Gaadho 5ta sandood ee soo socda, Laakiin ay dhaqaajin waayeen Madaama ay aqoontoodu Xadidan tahay, amaba aaney ka’goneyn in ay ummadda u-shaqeeyaan, Halkaasna ay ku Khasaariyeen Qorshe Hawleedyadii Waqtiga badan iyo Lacagta badan lagu Fadhiisiyey.Taas oo sababtey in Wasaradihii Somaliland ugu Muhiimsanaa ay hadda ku danbeeyeen Kuwo marin habaabsan oo aan dhamaan laheyn Hadaf, higsasho iyo Yool (target) midna. Nasiib -Darona Wasaaradihii Somaliland ugu muhiimsanaa ee laga su -gaayey in baaxadooda iyo wax-qabadkooda ay balaadhiyaan si ay shaqo ugu abuuraan dhalinyarada Jaamacadaha dhameysatey ee ay Shaqo-la’aantu ragaadisey ayaa Waxay hada ku danbeeyeen Wasaarado aan laheyn Hilaad, hadaf iyo hab loo raaco midna.

2-Hayadii Sharci dejinta , Halkey ku danbeysey?

Intii ay Xukuumada Kulmiye ay Hogaanka inoo Qabatey , Waxay ku guuleysatey in ay hoosta ka xorodo oo Ban-jariso Hayadii Sharci-dejinta .Tu’saalena ,waxaa kuugu filan Golihii Baarlamaanka. Waxaa xaqiiq ah maanta oo marag ma doonto ah in Gudoomiyihii Hayada sharci dejinta ( Baarlamaanka ) uu ka faaideystey Golda-loolooyinka ka jirey Dastuurka wadanka iyo xukuumada kulmiye ,taas oo u-fududeysey in uu Xisbi qaran sameysto iskana soo sharaxo una badheedhey in uu Darajooyin isku dul-raran Garbaha ku tosho Darajooyinkaas oo ah Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka ahna Gudoomiyaha Xisbi Qarnka Wadani ahna Musharaxa Mustaqbalka ee Xisbiga Wadani. Bal adiguba eegoo Hadii Hashi ugu weyneyd ay Dhabaa-baco iyo Dur-duro jeeraarisey, Maxaad Aaran-kiina yar-yaraana aad ka fileysaa? Waxaa aynu wada ognahay in Golihii baarlamaanka ee la doortey 2005 uu ka koobnaa 33 Xildhibaan oo Xisbigii UDUB ah , 21 Xildhibaan oo Xisbigii Ucid ah iyo 28 Xildhibaan oo Xisbi Xaakimka Kulmiye ah. su’aasha la is weydiiyaana waxay tahay talow 33kii xildhibaan ee Udub imika xisbigee ayey ku-danbeeyeen? waxaa la arkaayey in Qaar ku biireen Kulmiye, Qaarbadanina ay ku kala biireen ururadii cusbaa ee la furey iyaga oo mid waliba calanka u-sidey kuwii ay isku Degaanka ahaayeen, waxaa la arkey in ay Qaar ku caan baxeen (pre-paid ) iyo kolba marka mooshin yimaado waar yaa na iibsanaaya? 21 kii Ucid ka soo baxey iyana Muwaadinow ma is weydiiseen? idinkaan idiin Daayey taa!

Ma waxa ay u-kala jabeen Wadani iyo Ucida Cusub? Waxaa la arkaayeey Qaar qarda-Jeexay oo aan xisbiba lagu tirin karin lakiin loo yeedho marka casharka lagu tufaayo xeerarka la ansixinaayo ee la isku wareejinayo casharada tufta ah ama dhaameelkaba ah ee caadadda inoo-noqdey. intaa u-dhafi maayee, halkaa waxaa kaaga muuqata sida hayadii dhameyd ee Aabihii sharci dejinta ahaan la heyd ay iyadii halkii ay sharciyo cusub ka abuuri laheyd oo ansixin laheyd kuwii horena ay naaxin laheynd ayey iyadii Sharcigii ku Gel-gelimeysatey iyadoo hada isu muujineysa sidii ay dhiiqadaa ay ku dhex dabaalatey ay isaga maydhi laheyd.

3-Haydii Garsoorka,

Waa cadaan in aaney madax banaaneyn Hayada Garsoorku ee ay had iyo jeer ay hayada fulinta waaxaheeda kala duwani ay ku hayso faro gelin ba’an iyo han-jabaad joogto ah. Waana hayada laga xistiyey Dhaqaalihii dhameystiri lahaa Qabyadeeda bal hada eeg xeerka Nidaamka Garsoorka Somaliland oo leh mad-madow badan oo u-baahan qabyo tir badan laakiin Dhaqaale la’aan haysata Bahdda Garsoorka darteed ayaa waxay sababtey ahmiyadii ay Dhamaan Bahda Garsoorku u qabeen Cadaaladii Ummadda.Taas oo aad Xabsiyada wadanka lagu arkey Gar-sugayaal lagu ilaawey Xabsigii ay ku xidhnaayeen oo aan cidiba Maxkamad hor-keenin.

Intii ay Xukuumada Kulmiye Hogaanka haysey waxay aad u xorodey Tiirarkii uu Qaranku ku taagnaa oo u baahnaa in la sii adkeeyo.Waxay Xukuumadii Ku fashilantey oo ku hafatey Dan-baabidhooyinkii ay reebtey Doorashadii Xaaraanta aheyd ee Wadanka ka dhacdey 28/11/12. Xukuumada kulmiye waxay ku asqowdey Xaqaa’iga hada wadanka ka jira, Waxaana ay hada Xukuumadu u muuqataa in ay sida Carsaanyada Hadba dhinac u rooreyso, Nasiib-daro waxay ay Xukuumadu ka il-duuftey in ay si-miyir qab ah oo degan ay iskaga maydhaan Fadeexadihii iyo Kacdoonadii ay kala kulantey Degaanada Gobolada Somaliland Badankooda.

Gebo-Gebo: Waxaan labada Xisbi ee Mucaaradka ah aan Farayaan in ay iska Joojiyaan Midi-Midi ku taag iyo wax-yaabaha ka baxsan Milgaha Siyaasada ee ay sida Joogtada ah ay Miidhiyaha isu Marinayaan. Waxaan leeYahay ,Waar Xukuumadan Mulqowdey iyadoon Mu-caaridba laheyn toosiya oo waa in aad wax-ka tidhaahdaan Wax-yaabaha danta guud ee Qaranka weliba kuwiisa ugu cul-culus, kuwaas oo aad wada ogtihiin oo wada Qabyo ah. Waa in aad ka hadashaan Golaha Wakiilada ee Fasaqmey Waqtigooduna uu Gabaabsiga yahay, Waa in aad Ka hadashaan Golaha Guurtida oo loo baahan yahay in laga wada hadlo sidii loo dooran lahaa inta Goori-Goor tahay. Waa in aad ka hadashaan Siyaasada Wadanka ee Indho-sarcaadka ah waqtigan xaadirka ah.

Waa in aad ka hadashaan Arimahaa wadanka ee is wada-dulsaaran oo dhan.

Alleh ayaa Mahad Leh,

Waa Bilaahi Toqfiiq

A/rahman Fidhinle

Intensive PA

UK

fidhinle@aol.co.uk