FankaWaxyaabaha amni dadarada sababay ee keenay dilka iyo dhaawaca ee asbuuci hore ka dhacay Borama, asbuucana ka dhacay Saylac waa Siyaasad xumada Xukuumada Somaliland iyo Qurashe Mr. Siilaanyo iyo Saaxiibadiisa kale ee siyaasad xumada la wadaaga u gaar ah.

Waxa dadka lagu gasiciyaa waxan haysanaa nimaad dimoqraadi ah iyo distoor . Waxa la sameeyay aqalo la yidhi waxay ilaaliyaan distoorka, dimoqraadiyada, iyo xuquuqal insaanka. Falalkan iska daba dhacaaya ee khaaska u ah Awdal iyo Salal lama odhan karo waa lama filaan waayo gobol kasta oo ka mid Somaaliland waxa ka dhacay doorasho layidhi waa xalaal. Natiijooyinkii ka soo baxayna magaalooyinka an ahayn Saylac iyo Borama, cidii ku guulaysatay aqlibiyada kuraasta ayaa qaadatay Duqa Magaaladaas iyo Ku-xigeenkaba. Hadaba, waxa ku keenay dil iyo dhaawac labadaas Magaalo maxay tahay?

Figrada asaaska u ah dhibaatooyinkaas waxa u sabab ah Mr. Siilaanyo iyo inta ku qadhaabata. Waa figrad la odhan karo waxa laga soo waariday wadano shisheeye oo raja ka qaba in ay wadanka Somaliland qayb qataan. Kaska keenay in haddii Isse la siinwaayo Mayorka iyo ku-xigeenkaba, Somaliland jiritaankeeda ayaa khatar galaysa, ictiraafkeeduna uu adkaan ma kas nin xoraa mise waa nin la hogaaminaayo. Hadalkaasi mahaa mid maskax xor ah ka yimid. Maaha mid madaxwene ka suurtowda. Maaha mid nin syaasiyi ihi ku kaco. Maaha wax Madaxweyne ku dhaartay in u ilaaliyo Distoorka, Dalka, iyo danta ummada in uu falkan oo kale ku kaco.

Haddii jawaabta la siiwado, ma odhan karnaa Madaxweynuha waxbaa khasbay? Ma garaad la’aanbay ka tahay, mise waa ogaan garamar? Ma heshiisbuu la soo galay wadano shiyeeshe? Mise sheegada suuqa ku jirta ee odhanaysa Salal waa la iibsaday bay wax ka jiraan? Mise sheekada odhanaysa Sacadiin iyo Ceebaanba waa la xeertay bay wax ka jiraan?

Sababtu tay doontaba ha ahaate e, waxa hubaal ah in falalka uu ku kacay Siilaanyo ay yihiin kuwa aduunwaynaha xilka laga xayuubiyo Madaxwaynayasha: “ Khiiyaamo Wadan”. Haddii la raaco Distoorka Somaliland u yaala, Mr. siilaanyo wuxu mutaystay “Xil Ka Xayuubin” iyo “xadhig”. Aqalka Guurtiga, ka Baarlamanka, iyo Xeer ilaaliyaha Guudba waxa ku waajib ah in ay ka soo baxaan xilka ummada ka saaran oo ay Madaxweynaha la xisaabtamaan, waayo wuxu gastay dilal iyo dhaawacyo faradan oo u kas ah. Wuxuu ku tuntay xeerkii iyo distoorkii wadanka u yaalay. Wuxuu galay khiyaamo wadan. Wuxu dadka wada dhashay dusha kaga keenay waxyabo isaga iyo inta ku shaqaystaa aaminsan yihiin. Wuxuu la shir yimid waxa sababay in dad dhintaan dadna dhaacmaan, iyo nacayb iyo colaad la isu qaado. Muaamaraatka uu sameeyey isaga oo la shaqaynayaa wadan kale wuxuu lid ku yahay Distoorka iyo dhaartii u maray.Waa in Distoorka xeerkiisa la mariyaa oo si deg deg ah labada gole shaqadooda uga soo baxaan oo ay soo hordhigaan labda gole Xil ka Xayuubin Madaxweyne.

Mohammed Mouse