FankaWaxay ahayd 11kii janaayo, 2012 Maalin jimce ah, habeenkiisii ay sabti soo galaysay. waxaan ka qayb gallay Barnaamuj ay soo diyaariyeen dhallinyarada ku baahawday magaca Naadiga Bandhiga Cilmiga iyo Caqliga, marka la soo gaabiyo ah(NBCC) ee ka dhisan magaalada Borama, kaas oo lagu qabtay hoolka xafladaha ee huteelka Rays.
Wuxuu ahaa barnaamuj aan ka qayb gallo kii iigu xiisaha badna muddo sanado ah, wuxuu ahaa gole la kaliyaystay inuu saamayn badan ku yeesho gabi ahaanba dhallinyariidii ka soo qayb-gashay, wuxuu ahaa barnaamuj kaa saaraya cabsida qoraalka, sidoo kale wuxuu ahaa mid kugu beeraya ididiilo fara badan.
Barnaamujka qaybtiisii hore, waxa si fiican oo aqooni ku dheehantahay usoo bandhiga Dr. abdulaziz walhad. Oo ah dhakhaatiirta cusub ee aadka udadaalka badan. kaasoo kaga hadlayay xog-ururin uu ka sameeyay iscadaynta ama maqaar-gadiska loo yaqaan, kaasoo dhibaatooyinka ba’an uu ku leh bulshadeena gaar ahaan Dumarka.
Cabaar kadib, waxaa la soo bandhigay dhamaan barnaamujyadii ay qabteen Naadigu sidoo kale waxyaabihii u qabsoomay. dadku is waydiinayeen sida ay yihiin buugag lagu qoray borama oo laga sheegay goobta, waxa iyadna wax lala yabo noqotay in laba Buug oo ka tirsan buugaagtaas ay qoreen Hablo, sidoo kale waxa fajiciso ay noqotay marki ay sheegeen inay da’doodu ka yartahay 16 sano. Waxa yaab-yaabkiis ahayd inay ku qoreen luqada qalaad ee Carabiga iyo Ingiriiska.
Waxa qof walba uu fiiriyay qofkii agtiisa fadhiyay, isagoo jidhidhico dartii fadhin kari la’. la yaaban hor’umarkaa ay hablahaasi aadka u da’da yari ku talaabsadeen. Waayo, dad badan waxay dareenkooda ku cabari la’yihiin inay ku qoraan afkeena Soomaliga. Halka hablahaas da’da yari ay wax ku qoreen afka qalaad oo ka adag afkeena.
Waxay aniga ii ahayd habeen CIID ah, farxad awgeed baan dhididka iska tirayay tiiyo dhaxani aad u dhacaysay. Waa ilaahay mahadii, waana wax lagu farxo mustaqbalka wanaagsanee ay leeyihiin da’yartaas. Sidoo kale waxaa meesha ka maqnayn dadaalka ay samaynayaan (NBCC), Kuwaas oo habeen iyo maalin, hiil iyo hooba la garab utaaganaayeeh sidii loo heli lahaa Maktabad (library) oo ku guulaysatay taasoo ay furi doonan dhawaan, sidoo kale waxay diyaar u yihiin inay ka dhagaystaan dhallin walba oo rabta inay fikirkooda iyo dadaalkoodaba bulshada usoo bandhigaan si xor ah.
Waxaan kala dardaarmayaa NBCC inay wax kasta oo niyad-jab ama Caajis ku keeni kara ka foojignaadaan dhibta kaga imanaysa bulshadoodana ay u samraan.
Wabilaahi tawfiiq,
Dahir Saciid Dahir
Borama, Somaliland.
Wixii tallo iyo tusaale ku saabsan qoraalkayga waxaad iigu soo gudbin kartaaan cinwaankayga
Tel: 4455678 ama dahersaeed@gmail.com