20130125095634

Xarakada Alshabaab ayaa fal gowrac ah kula kacday nin la sheegay inuu ka shaqeynayay Dekada Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose. Siday wararku sheegayaan Al-shabaab ayaa Ninkan jeebkiisa ka helay aqoonsiga Kaadhka looga shaqeeyo Dekada Magaalada Kismaayo, waxaanay sheegeen in uu ninkani yahay basaas loo soo diray Alshabaab. 

A-lshabaab ayaa Ninkan kala dagay Baabuur uu saarnaa, ka soo marayay Deegaanka Buulo Guduud ee Gobolkaasi, waxaana ay gaadhiga iyo dadkii saarnaa lagu amray inay iska tagan, iyagoo la hadhay marxuumkan ay gowraceen. Wax yar kadib ayaa waxaa la soo sheegay in ninkaasi lagu fuliyay xukun Gowrac ah, waxaana uu meydkiisu yaalaa Deegaanka Buulo Guduud oo Al-shabaab ay gacanta ku hayaan. 

Al-shabaab ayaa markii laga saaray Kismaayo waxa ay sheegeen in Qofkii la shaqeeya Ciidamada huwanta ah iyo maamulka Kismaayo ay qoorta ka jari doonaan, waxaana taasi ay cabsi galisay dadka Jubooyinka degan, maadaama ay wali Al shabaab ku sugan yihiin Deegaano ka tirsan Jubooyinka.