president-riyaale-300x250

 

Madaxweynahii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo hadda ku sugan dalka faransiiska oo uu degenyahay ayaa ku tilmaamay aqoonsigii dalka maraykanku dhawaan siiyey dawladda Muqdisho mid khatar ku ah xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee Somaliland la lahayd bulshada caalamka wuxuuna Madaxweyne Rayaale ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badanleh loo qaban qaabiyo kulan ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo diyaariso oo ah tallo qarran in laga yeesho arrintaasi sidaasi wuxuu ku sheegay weraysi uu siiyey shabakadda caalamiga ah ee Halbeegnews.

Madaxweyne Rayaale oo ugu horayn ka jawaabaya siduu u arko go’aanka maraykanku ku aqoonsaday Soomaaliya wuxuu yidhi “waxaan u arka arrin ayaan darro weyn ah sababtu waxay tahay maraykanku ma wuxuu aqoonsanaya meel aan waxba jirin oo maqaar saar ah oo aynu ognahay maanta haddii ay xamar ka baxaan ciidamadda afrikaanka ah ee ilaalinaya in daqiiqad gudaheed ay kooxahii shabaabku ku qabsanayaan, oo aanay jirin nidaam dawladeed, anigu taasi waxaan u arka layaab weyn dawladdii dunida ugu weynayd inay ka fiirsato waxay aqoonsanayso ayey ahayd” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Madaxweyne Rayaale wuxuu ku tilmaamay inay arrintani si saamayn ugu yeelanayso qaabkii Somaliland ula xidhiidhi jirtay beesha caalamka isagoo taasi ka hadlaya wuxuu yidhi “arrintani waxay khatar ku tahay qaabkii aynu dunida ula xidhiidhi jiray, waan ogahay, waan la socda waanan dareensanahay, marka imika odhan maayo sidaasi iyo sidaasi ayey ugu leedahay laakiin waxaan soo jeedinaya in tallo balaadhan oo qarran la iskaga yimaado arrintani arrin fudud maaha waa arrin u baahan in gacmaha la iska qabsado, madaxweynahana waxaan usoo jeedinaya inuu go’aanka tallada ah sida ugu dhakhsaha badaleh ugu dhawaaqo” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Madaxweyne Rayaale oo aanu weydiinay xidhiidhkii maraykanku la lahaa xukuumadiisa maxaa sabab u noqday inay hadda isbedelaan wuxuu ku jawaabay “runtii xidhiidh wanaagsan oo meel fiican soo gaadhay ayaanu la lahayn maraykanka waanigii sannadkii 2008-dii tagay maraykanka oo ku tagay weliba martiqaad rasmi ah oo ay iyagu inoo fidiyeen, iyaguna waa kuwii Jendei Freizer soo diray, xidhiidh wanaagsan oo dhinac walba leh ayeynu lahayn, dee marka xidhiidhkaasi halkii uu ku danbeeyey waxaynu weraysan doona xukuumadda Madaxewyne Siilaanyo” ayuu ku soo koobay.

Madaxweyne Rayaale oo aanu weydiinay siduu arrintani dhinaciisa uga hawl geli karo wuxuu ku jawaabay “anigu runtii ma jecli inaan dhaliil warbaahinta u mariyo xukuumadda, waayo madaxweyne ayaan ahaayo waan dareemi kara, anigu mar walba waxaan isku arka odaygii Somaliland markasta oo qarranku ii baahdana diyaar ayaan u ahay inaan dadkayga iyo dalkaygaba u shaqeeyo, wixii qarranka gaadha dhib iyo xanuun ayuu igu keenaya waa qarrankaan 8 sanno ku soo tabcay, waa qarran aan jecelahay, weligayna isagaan u shaqaynaya” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

Madaxweyne Rayaale ayaa ku biiray baaqyo isa soo taraya oo tilmaamaya in la iskugu yimaado tallo qarran oo laga yeesho arrintani aqoonsiga uu maraykanku siiyey Soomaaliya lana darso saamaynta ay Somaliland ku yeelanayso, hore ayaa waxaa hadal sidani oo kale ah warbaahinta mariyey Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe weli ma jirto wax faahfaahin ah oo Madaxweyne Siilaanyo laftigiisu uu kaga jawaab celinayo baaqyadani ka soo burqanaya haldoorkii ugu mugga weyna qarranka Somaliland.”