20130126015658

 

 

Danjiraha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya Augustine Mahiga, ayaa beesha caalamka ka dalbaday inay dhaqaale ku taageeraan dhismaha ciidamada Somaliya.

Augustine Mahiga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa beesha caalamka ka dalbaday in dhaqaale ay ku bixiyaan dhismaha ciidamada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaanbuu yidhi inay la wareegaan ammaanka guud ee dalka “Ciidamada Soomaaliya haddii aan la siin tababarro ku filan awood uma yeelan doonaan inay awoodda kala wareegaan ciidamada AMISOM oo hadda gacan ku siiinaya dagaalka ay kula jiraan kooxaha nabadda kasoo horjeeda” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Tababaridda ciidamada Soomaaliya waxay ku socdaan si gaabis ah, waxaan taas sabab u ah dhaqaale la’aan jirta”

Danjire Mahiga,waxa uu beesha caalamka ee Somaliya taageerta u soo jeediyay inay soo dedajiyaan dhaqaalahaasi uu dalbaday si buu yidhi loo sii wado tababarada la siinayo ciidamada xooga dalka Somaliya, si ay awood ugu yeeshaan inay amaanka dalka kaligood la wareegi karaan.