Boorama-Hiliblayaal-Cabanaya (1)

 

 

Qaar ka mid ah ganacsatada hilibka ee magaalada Boorama ayaa maanta maayarka cusub ee Boorama Mud. Saleebaan Xasan Xadi soo gaadhsiiyay cabashooyin tiro badan oo ka dhan ah kawaanka hilibka lagu qalo ee Casriga ah ee Boorama oo ay sheegeen inay dhibaatooyin ku qabaan.

Hiliblayaashan ayaa oo haween u badnaa ayaa waxa iyga oo cabanaya ay yidhaaheen “ Waxa aan aad uga xunahay in iyada oo aanay canshuur nagu baaqan, kharashqa qaliinkana la naga qaado in hilibkayagii wax aan ku soo qaadno aan wayno oo baabuurkii heshiiska ku jiray la na yidhaa waa jaban yahay, waxa kale oo intan dheer oo aan tiranaynaa in cadaalad daro ay ka jirto sida ay hiliblayaasha ula dhaqmaan maamulka D/Hoose, qaar waa loo fududeeyaa wax walba halka qaar kale aanay helin adeegii ay xaqa u lahaayeen, waxa intan noo dheer in maamulka D/Hoose aan ka waynay cid na qancisa oo cabashadayada dhagaysata, waxaanan mudane Maaye mar hadii aan adi ku soo gaarsiinay aan rajaynaynaa inaad cabashooyinkaasi wax ka qabato, hadii xaal saas yahay waxa aan rabnaa in la noo ogolaado inaan guryahayaga ku qalano hilibka oo sidaas la nagu ogaado”.

Maayarka Boorama Mud. Saleebaan Xasan Xadi oo cabashiiyinkan si furan u qaabilay ayaa eeda dusha ka saray maamulkii ka horeeyay waxana uu yidhi “ Waxa aad xaq u leedihiin in la dhagaysto cabashooyinkiina, waanan dhagaystay, kawaanka waa meesha kaliya ee wali ii dhiman ee aan soo booqan waanan soo booqan doonaa, waxa aan ogahay idinkuna ogtihiin in dakhliga naga noo gala ka dawlad hoose ahaan kawaanka iyo kharashka ku baxa ay kala badan yihiin oo kharash aan xad lahayn aan ku bixino, wax walbana waxa ay khaldameen intii maamulkii iga horeeyay uu xilka hayay, waxaanan sidan u leeyahay meel xaalkeedu sidan yahay in masuuliyadeeda la na saaro waxa ka talisay maskax aan si haboon u fikirayn, waana hubaal in qalabkii lagu heshiiyay in kawaanka la keeno uu wax badani maqan yahay, mashruucaasina aanu si haboon u maal galin”.

Sikastaba ha ahaatee waa waajib na saran inaan xal u helno cabashooyinkiina na siiya mudo kooban oo aan arimahan ugu kuurgalno go’aana ka soo saarno, midna idinka yeeli mayno taasi oo ah inaad na tidhaahaan faraha naga qaada oo hilibka aan ku qalno xaafadahayaga idinka yeeli mayno, sababta oo ah waxa waajib naga saran yahay hilibka aad qalaysaan, iyo faya dhawrka guud ee bulshada. Ayuu yidhi Maayar Saleebaan

Sikastaba ha ahaatee mashruuca kawaanka casriga ah ee Boorama waxa uu ka mid ahaa mahaariicdii ugu waawaynaa ee ay sida balaadhan ugu faaneen maamulkii dawlada hoose eekan ka horeeyay, eedahan iyo tayo la’aan tahan maanta soo shaacbaxaysaana waxa ay daaha ka qaadaysaa musuqmaasuq aan cid lagala xisaabtamayaa jirin oo D/Hoose ee Boorama hadh galay.

 

SUBULAHANEWS.COM

BORAMA/SOMALILAND