xarunta

 

Ardayada Dugsiga Hoose Dhexe ee Axmed Dhagax ayaa Banaan Bax balaadhan ka hordhigay wasarada waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Maglada Hargeysa, Ardayadan oo ka badnaa Ilaa Shanboqol oo Arday ayaa waxay ka cabanayeen Waxbarasho La’aan Dhinca macalimiinta oo soo food sartay, iyo Habacsaanan dhinca maamulka Dugsiga oo ay ku eedeyen in aanu waxba ka qabanin Tabashadooda.

Ardaydan ayaa Wax Dhinca Xarunta Gobolka waxbarashda u soo kaxeyey Guddomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Wasarada waxbarashada, waxanu Ardayada kula Dardaarmay in uu wax ka qaban doono tabashadood ay u soo gudbiyeen.

Dhanka Kale Taliyaha Ciidanka Booliska ee Somaliland Gen.C/laahi Fadal Iiman oo isaguna ardaydaasi la hadlay ayaa ku Booriyey in ay isdajiyaan oo wixii tabasho ah ee ay qaban MaamulKA Gobolka ee waxbarashadu ka qaban doonan.Waxanu yidhi “Ardayey wax loo bahan yahay in aad isdajisaan, waayo Wax kasta idinku soo dhexe Dhuman Kara, waa in aad Amaanka Ilaalisan, wixii Khaladan waa la sixi doona, Waxan idinku boorinayaa in Aad si nabad gelyo ah aad ku noqotaan Iskulkiini.”Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska.

 

SUBULAHANEWS.COM

HARGAYSA/SOMALILAND.