Maxaabiista-Boorama-oo-sariiro-samaysay

 

 

Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland markii uu soo booqday jeelka dhexe ee Boorama waxa uu la kulmay indhaha soo saaray sida ay qaar ka mid ah maxaabiista ku xidhan jeelka Boorama ay uga faaiidaysteen casharo farsamada gacanta ah oo la baray una sameeyeen qalab sariiro kuraas iyo waxyaabokale isugu jira.

Taliyaha Jeelka G/Awdal Mud. Siciid Xuseen Caynaan oo halkaasi ka halay ayaa sheegay in arin muhiim ah ay u qabsoontay jeelka iyo maxaabiistaba waxana uu yidhi “ Waa guul, waxa aan barnay maxaabiista xirfado anfacaya naftooda, waxa aan sidan u yeelnay inaan dib u dadayn uga dhigno oo ay ku laabtaan blshada iyaga oo dhaqankooda wax iska badalay, tanina waa mid guul u ah madaxda xabsiga iyo maxaabiista labadaba.

Qaar ka mid ah maxaabiista oo iyaguna halkaasi ka hadashay ayaa ku tilmaamay arintan mid muhiim ah oo ay ku korodhsadeen casharo ay naftooda ku anfacaan oo ay bulshada kula laabtaan iyaga oo wax yaqaana.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Mud. Maxamed Faarax Xiirane oo halkaasi ka hadalaya aya bogaadiyay hawlaha u qabsoomay ciidanka iyo maxaabiista, waxana uu xusay in jeelku uu wali u baahan yahay in dib u dhis lagu sameeyo, waxana isaga oo balanqaadyo hor leh samaynaya uu yidhi “ Waxa aan balanqaadaynaa in todobaadka soo socda aan u keeno jeelka warshad jaajuurka samaysa si maxaabiista xirfado cusub loo baro, talaabadan ayaana ah mid aan rabno inay ka hir gasho jeelasha dalka oo dhan waanan ku kalsoonahay inay wax badan ka badai doonto, fikirka iyo dhaqanka maxaabiista bulshadana ay ku laaban doonaan iyaga oo ka duwan sidii ay ahaayeen markii la soo xidhay.

 

SUBULAHANEWS.COM

BORAMA/SOMALILAND.