20130126081337

 

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo uu ka socdo shirkii midowga Afrika, kula kulmay Wufuudii shirkaasi uga qeyb gashay waddamadda Kenya, Masar iyo Jarmalka. 

Wasiirku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaaladda Addis-ababa ee wadanka Itoobiya. 

“Shirkan waxaad moodaa inuu xooga saarayo xurgufaha ka dhex jira qaaradda Afrika, hase yeeshee ka Somaliland ahaan sanad kasta marka shir caynkan oo kale ahi ka socda Addis ababa waanu ka soo qayb gali jirnay si aanu kulamo ka baxsan shirka ula yeelano wufuuda ka imanaysa dunida daafaheeda kala gedisan,”ayuu yidhi Wasiirku. 

Wasiirka Khaarajiga oo ka hadlayay kulamadaasi wuxuu yidhi “Intii aanu halkan nimidna nasiib wanaag waxa noo suurogashay inaanu dhawr Dal wufuudooda la kulano waxaana ka mid ahaa wefdigii Dawladda Kenya ee uu hogaaminayay Wasiirul khaarajiyaha Dalkaasi, wufuud ka socotay Dalka Masar iyo saaka oo aanu la kulanay kuwo ka socday Dalka Jarmalka, kuwo kalena way noo hadheen intabana waxaanu kala hadlaynay qadiyada arrimaha dibeda Somaliland iyo sidii aanu taageero uga heli lahayn.” 

Dr. Maxamed waxa uu raali-gelin ka bixiyay war ka dhan ah Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa oo wargeys wax ka qoray, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Arrintaa dawlad ahaan aad iyo aad baanu uga xunahay, xukuumadda Itoobiya iyo safaaradeedu waxaanu ka siinaynaa raali-gelin, waa arrin muujinaysa mas’uuliyad darrada qaybo ka mid ah saxaafadda Somaliland. waxaan leeyahay safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland waxay ka shaqaysaa xidhiidha labada dal wadaagaan. Waxaanay xooga saartaa in xidhiidh dhaqaale iyo ganacsi labada wadan dhex maro.”