Khilaafka-Sportiga-Awdal

 

Marka laga reebo dhalinyaro mutadawaciin ah oo qabata tartan teel teel ah, guud ahaan sport-ga gobolka Awdal waxa uu yahay mid fadhiid ah, is qaqabsigiisuna uu soo laalaabto. Arintan labada dhinaca ee maamulka ciyaaraha ee Gobolka iyo ciyaaryahanaduba way ku lug leeyihiin khilaafkan, waxana aalaaba la uu murankani soo shaac baxaa marka ay soo dhawaadaan ciyaarha goboladu iyada oo la kala jiidanayo cida gobolka u matalaysa ciyaaraha Gobolada.

Markii uu soo gaadhay G/Awdal agaasimaha guud ee W/Ciyaarahu waxa lagu qaabilay cabashooyin tiro badan oo aanu waxba ka qaban karin, waxana qaar ka mid ah bahda sport-ga oo cabashooyin aan tiro lahayn soo jeediyay ay xuseen in ciyaaraha gobolka Awdal ay dib u dhacsan yihiin, dhalinyaradu aanay helin dhiiri galin, tartanada ciyaarahu aanay ahayn kuwo si joogto ah loo qabto, garoomadu ay baaba’san yihiin, waxaas oo dhana ay sababteeda leeyihiin maamulka W/Ciyaaraha ee G/Awdal waxana ay xalka kama dambaynta ah u arkayeen oo ay soo jeediyeen in maamulka W/Ciyaaraha ee G/Awdal la badalo.

Agaasimaha guud ee W/Ciyaaraha Mud. Qodax oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in dhibaatadan ay tahay mida wasaaradiisa ragaadisay guud ahaanba ee ja jirta gobolada dalka oo dhan, waxana uu balan qaaday in wada tashi uu la yeelan doono maamulka Gobolka isla markaana uu xal gaadhi doono khilaafkana soo afjar doono.

Wafdigan ayaa waxa uu booqday kulana la yeeshay maamulka D/Hoose ee Boorama oo xilka ku cusub cabashooyinka ciyaarahuna ay bilawgiiba soo gaadheen balse aanan xal u helin, waxana ay halkaasi si kadis ah kula kulmeen W/Warshadaha Somaliland Mud. Cabdirizaq Cali Cismaan, waxana uu wasiirku qiray in maamulka D/Hoose ee Boorama oo uu waqti kamid ahaan jiray ay qayb ku leeyihiin dib u dhaca ciyaaraha waxana uu yidhi “ Waan ka xumahay in waqtigii aan ahaa xoghaya D/hoose aanan ciyaaraha waxba ka qaban maantana aan arintooda ka hadlo, dib u dhac balaadhan ayaa jira, xalkana waxa maanta gaadhi doona cida talada haysa ee W/Ciyaaraha ah.

Si kastaba ha ahaatee, safarkan Agaasimaha guud uu u muuqday mid iska dalxiis iyoindho dhindhayn ah ayaanan rajo laga qabin in khilaafka W/Ciyaaraha iyo ciyaaryahanada G/Awdal dhex yaala.

 

SUBULAHANEWS.COM

BORAMA/SOMALILAND.