1d3bf2f660bb468b565dc3d9a56779a8_M-300x225 c704607a76ef66f4167325d3dfaef9ba_M-277x300

Hargaysa(Subulahanews)Xukuumadda Somaliland oo caawa shir deg-deg ah ka yeelatay dhawaaqii Ingiriiska ee lagu dhaliilay nabadgalyada Somaliland, ayaa sheegay in amaanka dalku sugan yahay.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shir-jaraa’id qabtay shirka deg-dega ah ka dib, ayaaa yidhi “Waxaanu ajaanibka dalka ku nool, bulshada Somaliland iyo beesha caalamkaba aanu u sheegaynaa in xukuumadda Somaliland aanay haynin wax dareen ah ama cabsi ah oo la xidhiidha nabadgalyada dalka, nabadgalyada Somaliland waa mid sugan oo ku jirka gacanta ciidamada iyo hay’adaha nabadgalyada, waxaanu kalsooni buuxda ku qabnaa haddii aanu xukuumadda nahay nabadgalyada dalka, dareenadana waxay la mid yihiin kuwo mandaqada waanuna baadhaynaa”

Dhanka kale golaha Xukuumadda Somaliland ayaa caawa shir deg-deg ah ka yeeshay dhawaaqa ka soo yeedhay Wasaarada arimaha dibada Ingiriiska ee la xidhiidha inay Muwaadiniinta Ingiriisku Somaliland ka soo baxaan.

Shirkan oo ah mid deg-deg ah ayaa waxa guddoominaya Madaxwayne Siilaanyo, waxaana ku sugan Wasiirrada iyo guud ahaan hay’addaha amaanka Somaliland, waxaana laga wada hadlayaa dhawaaqa amni daro ah ee Ingiriisku Somaliland ka sheegay.

Shirkan oo ilaa hadda socda, ayaa waxa ku soo beegmayaa xili shacabka Somaliland aad uga xumaadeen hadalka Ingiriiska, waxaana lal filayaa in xukuumaddu shirkaasi ka soo saarto hadal cad.”

Shirka Jaraaid ee Wsiirka Arrimaha Dibeda Somaliland

 

SOURCE:BOORAMAONLINE.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook