dastuur

 

 

 

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay khudbadii uu u jeediyay baarlamaanka qaranka, ayaa sheegay in la furayo dastuurka qaranka si wax ka bedal loogu sameeyo.

Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu cadeeyay in sharcigu u ogol yahay in dastuurka la furo oo wax la bedal iyo kaabis lagu sameeyo, isaga oo sheegay in arintaasi ay sida ay noqon doonto uu qoraal rasmi ah u soo qori doono shir-guddoonka golaha Wakiilada Somaliland.

Madaxwayne Siilaanyo oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan labada gole usoo jeedinayaa in Dastuurka lagu sameeyo wax ka beddel iyo kaabis, si arintan loo dhamaystiro waxaan idiin soo gudbin doonaa qoraal rasmi ah oo xambaarsan qaabka ugu sahlan ee dastuurka loo qabyo tiri-karo aniga oo u cuskanaya arintan qodobada dastuurka ee 126-aad iyo 127-aad”

Wax ka bedalka dastuurka lagu samaynayo, ayaa waxa ka soo baxaya dareeno kala duwan oo la xidhiidha sababta keentay in xiligan loo furayo, iyadda oo dareenada qaarkood sheegayaan in la doonayo in dastuurka lagu daro qodobo ogolaanaya in xukuumadda lagu soo daro xilal dheeraad ah oo qaranka ku cusub, sida dhowr Madaxwayne ku xigeen oo kale, si beelaha darafyada ee saami la’aanta ka cabanaya loo siiyo.

Sidoo kale, tuhunada qaar ayaa sheegaya in dastuurka lagu darayo qodobo beelaha la hayb-sooca u ogolaanaya tiro cayiman in laga sameeyo golayaasha qaranka dalka, si looga baaqdo cabashooyinka joogtada noqday.

Inkasta oo xaqiiq ahaan loo ogeyn sababta keentay in dastuurka la furo, haddana xogaha hoose eek u xidhiidhsan arintan, ayaa sheegaya in la doonaya in lagu soo daro qodobo saamaxaya in cidii cabanaysaba ay ka dhex aragto dastuurka waxa ay dalka xaq ugu leedahay.