rayaale

 

 

 

 

Warar hordhac ay ayaa sheegaya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay xal ugu raadinayso sidii ay u furdaamin lahayd dhibaatada ka haysata dhinaca Sirdoonka oo ay Dawladda Ingiriisku dhawaan ku canaanatay in ay ka jiraan Galdaloolooyin sababi kara Qafaalasho iyo is-qarxin lala beegsado muwaadiniintooda ku sugan Somaliland oo ay Digniin ka siiyeen inaanay u safrin isla markaana kuwa ka joogaa ka soo baxan.

Talaabada Ingiriisku ku dhaliilay Hay’adaha Sirdoonka iyo Amniga Somaliland guud ahaantii ayaa sababtay Madaxweyne Siilaanyo si mug leh inuu uga fekero sidii uu Boodhka uga tumi lahaa isla markaana wax uga bedeli lahaa qaabka ay Xukuumaddiisu uga shaqayso dhinaca Amniga.

Talaabooyin door ah ayaa laga soo sheegayaa Madaxweyne Siilaanyo inuu qaaday waxaana ka mid ah in ay xukuumaddiisu xilkii ka qaaday Taliyihii Sirdoonka Gobolka Maroodi-jeex Muxsin Aw Cali, sidoo kale waxa ay warar hoose sheegayaan in ay Ciidanka Amnigu qabteen dhawr qof oo looga shakisan yahay Al-shabaab, kuwaasoo kala ah Nin hore Sirdoonka Somaliland uga tirsanaan jiray balse dib ugu noqday kooxda Alshabaab oo uu marka horeba ka soo baxay, kaasoo laga qabtay Madaarka berbera todobaadkan gudihiisa.

Sidoo kale waxa la sheegayaa Wiil ay walaalo yihiin Amiirka kooxda Al-shabaab oo beryahanba ku sugnaa Hargeysa in isna la qabtay, halka Nin kale oo lagu Eedaynayo inuu Kooxda Al-shabaab ka tirsan yahay lagu qabtay Kantaroolka Berbera isagoo sita Lacag iyo Hub labadaba.

Intaas oo kali ah maaha dedaalka ay Xukuumaddu ku doonayso inay kaga gil-gilato dhaliisha kaga timi Xukuumadda Ingiriiska’e waxa jira hawl-galo kale oo ka socda dhamaan Goboladda Dalka oo ay ku baadi goobayso dadka wada Cabsida uu Ingiriisku ka dhawaajiyay.

Dhinaca kalena, warar laga helay ilo wareedyo ka ag dhaw Xukuumadda ayaa sheegaya Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo in uu fariin yeedhmo ah u diray Madaxweynihii hore ee uu xilka kala wareegay Daahir Rayaale Kaahin, kaasoo ahaan jiray Sarkaal dhinaca Sirdoonka ah dawladdii la riday ee Siyaad Barre, mudadii uu Somaliland Madaxweynaha ka ahaana lagu tilmaami jiray hogaamiye Amniga Dalka wax badan ka qabtay isla markaana Daswaladdaha Waaweyn kala shaqayn jiray mashruuca la dagaalanka Argagixisada.

Yeedhmada Madaxweyne Siilaanyo ee Daahir Rayaale ayaa loo food-saaraynayaa inay wakhtigan ka dhalatay Eedaymaha Xukuumaddiisa looga soo jeedinayo dabacsanaan iyo Aqoon daro ka haysata dhinaca Sirdoonka taas bedelkeedana uu doonayo Madaxweyne Siilaanyo inuu ka faa’iidaysto Khibrada Rayaale ee ilaa hada la sheego isaga iyo qaar ka mid ah Saraakiishii Sirdoonka ee Xukuumaddiisii inay Hay’adaha Reer Galbeedka kala shaqeeyaan dhinaca Mukhaabaraadka.

Si kasta ha ahaatee waxa la filayaa Daahir Rayaale Kaahin inuu soo aqbalo Dalabka Madaxweyne Siilaanyo isla markaana uu sida ugu dhakhsaha badan leh Hargeysa ugu soo laabto si uu uga faa’iidaysto fursada uu ka helay Madaxweynihii bedelay oo Macaash badani ugu jiro.