download-1

 

Sida ay shaacisay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan waxaa markii ugu horreysay dawlada federaalka Soomaaliya iyo Ethiopia ay wadajir u sameeyeen guddi wadajir ah oo loogu magacdaray “guddiga wadajirka ee heerka wasiir” kaasoo looga dhawaaqay magaalada Addis Ababa.
Guddigan ayaa ku yimid heshiis ay wada saxiixeen wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf ahna raysul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesus oo kulan ku yeeshay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.
Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia ayaa sheegay in dhismahan uu u furayo labada dal bog cusub oo nabadeed oo ku dhisan deris wanaag iyo iskaashi.
Wasiir Fawsiya ayaa sheegtay in guddigan heerka wasiir ah kulankooda ugu horreeya ay ku yeelan doonaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Hawsha ugu weyn ee guddigan ayaa illaa hadda lagu sheegay iskaashiga amaanka, ganacsiga, dhaqanka iyo waxbarashada.
Sidoo kale dhismaha guddigan waxaa si weyn u taageeray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinimadii Khamiista hadal ka jeediyey baarlamaanka Midowga Yurub oo sheegay in dawladiisa ay culeys weyn ku bixineyso xiriirka wanaagsan ee wadamada deriska la ah Soomaaliya.
Haddii kulanka wasiirada wadajirka ah uu ka dhaco Soomaaliya waa markii ugu horreysay oo guddi heer wasiir oo wadamada gobolka ay shir ku yeeshaan caasimada Soomaaliya.