bcee9d64ee695b9f34386c68897aed22_M-300x225

Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa si adag uga hadlay Hambalyadii Madaxwayne Siilaanyo ku koobay Guddoomiyayaasha ururradii doorashada ku hadhay ee natiijada aqbalay ee UMADDA, DALSAN iyo RAYS iyo bogaadin la’aantii Xaqsoor oo qaadacay doorashada.

Boobe Yuusuf Ducaale oo qayb ka ahaa dood VOA u qabatay Wasiirka Arimaha gudaha, Guddoomiyaha UCID iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in aanay jirin sabab loola xaali waayaa Guddoomiyaha Xaqsoor, maadaama oo buu yidhi reer Somaliland leeyihiin dhaqan soo jireen ah oo wax walba lagu dhameeyo.

Sidoo kale, Boobe waxa uu dhaliilay qaabka habqanka ah ee dawladdu uga hal-celisay dhawaaqii dawladda Ingiriiska, isaga oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Dawladdu sida ay u gashay arinta Ingiriisku may ahayn si qurux badan, dawladda masuul-baa u hadla masuulkaasi ayuunbaana hadalkeeda bixiyo, Guddoomiyaha Baarlamaankaa ka hadlay, Ku xigeenkiisa ka hadlay, Wasiirka arimaha dibadaa ka hadlay, ka amnigaa ka hadlay, waxaasina maaha dhaqan dawladnimo ee ha is ururriso”

Boobe waxa kale oo uu diray Sirdoonka Qaranka  “Mida kale, hay’adda sirdoonku uma hawlgasho sidii ay ku hore u hawl-gali jireen, ta kale Cabdiraxmaan Tuur ilaa Madaxwaynaha maanta jooga waa wada anaga oo anagaa leh, midna nama xigo, midna nagama durugsana” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Xanaftii ka dhalatay doorashada, dhaqan-baanu lahayn, dhaqan Islaameed ayaanu lahayn, mid Somaliyeed ayaanu lahayn, mid SNM-baanu lahayn, mid Somaliland-baanu lahayn, tabashadu haddii ay badato oo qofku in badan wax towdo turxaan aan tirmayn-baa ka dhalata, kama hadlayno beel oo doorashada axsaab-baanu ku galnay oo beel kumaano galin, afka lagama dhowrayo ee waa Xaqsoor, Wasiirka arimuhu guduhu wuxuu Saylac intaas oo maalmood u joogay inuu turxaan dhameeyo, ama haku guulaysto ama yaanu ku guulaysan, laakiin tamartii iyo saacadihii uu ku lumiyey ayaa muujinaya inuu warwar ka hayey, warwarkaasi mid la mid ah ayaa looga baahan yahay Xaqsoor, Taageerayaashiisa iyo Hargeysa waxa yaala, waxa laga hadlayaa maaha Suldaan hebel ee Waa Xasan Ciise Jaamac oo ah Guddoomiyaha Xaqsoor, shalay Madaxwaynuhu wuxuu ka hadlayey Baarlamaanka wuxuu hambalyeeyay Gaboose, Gaafaadhi iyo Ismaaciil yare, Sabab Xasan Ciise looga tago, Xasan Ciise haddii uu yidhi doorashadii maan aqbalin, waxa taala in Xasan la soo fadhiisiyo oo lagu yidhaahdo maxaad doorashadii u aqbali wayday, waxaaba laga yaabaa inuu gar-yeesho, Xasan ma dadkuu ka wayn-yahay sow Inankayagii maaha, sow reer Hargeysa maaha, sow lalama hadli karo, aan wada hadalno waa aan heshiino, markaa nabar u baahan in la bogsiiyo oo hafeefta laga biiyo yeynaan ku celcelinin oo aynaan ku sii biirin erayo xanaf leh oo milalka ku sii biirinaya”