Golaha-Guurtida-300x204

Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta warbixin ka dhagaystay Gudiga siyaasada Arimaha Gudaha iyo Dibada Ee Golaha Guurtida, warbixibtan oo ahayd mid dhinacyo badan ay ku soo qaateen sida xidhidhka Somaliland iyo wadamada caalamka, waxsoosaarka dalka iyo arimamo kale ayaa uu Gudoomiyaha Gudigaasi  sahal Iidle Diiriye ka hor akhriyey Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo uu shir Gudoomina yey Gudoomiyo ku xigeenka labaad ee Guurtida siciid maamac cali.

Warbixinta waxa ay gudigu ku xuseen oo kale citiraafka Somaliland iyaga oo sheegay inay gooni isutaaga Somaliland tahay lamataabtaan somaliya-na u soo jeediyey inayna waqti dabe isaga lumin midaw dambe oo aan sinaba suurto gal u ahayn. Waxayna soo jeediy jeediyeen in dadaalada ay xukuumada wado lagu garab istaago si looga midho dhaliyo cititaaf raadinta Somaliland,

iyagoo warbixintooda ku xusay in la sii wado wada hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo somaliya waxaanu yidhi Gudoomiya Gudigaasi  Sahal Iidle Diiriye“waa in la sii wado wada hadaladii u socday Somaliland iyo soomaliya lana sii amba qaado oo Somaliland-na ay shirarkaasi ka cadayso mawqifkeeda gooni isu taageeda,in wasaarada arimahadibadu dar dar galiso xafiisyada uga furan dalalka dibada jaaliyadahoodana lagu xidho xafiisyadaasi”.

Sidoookale waxay soo jeediyeen in la xoojiyo wax soo saarka dalka si ay u yaraato ama looga maarmo badeecadaha dalka dibadiisa ka yimaada“waa in shacabka reer Somaliland u soo  jeesto wax soo saarka dalkooda si loo yareeyo ama loogaba maarmo cundata dibada inooga timaada iyadoo laga samaynayo horumarin harooyin waaweyn iyo  biyo joojino dooxyada waaweyn ee bada biyaha ku shubaya si loo kobciyo habka dhaqan dhaqaale ee dalka” ayuu yidhi Sahal Iidle Diiriye.

Warbixitaasi waxa kale oo ku sheegeen si looga gudbo caqabadaha hortaagan nabad galyada, siyaasada iyo dhaqalaha inay shacabka reer Somaliland gacmaha is qabsadaan  dhana uga soo wada jeestaan danahooda iyo in wax laga qabto dadka faraha badan ee dalal jaarka ka imanaya kuwaaso ayna hayn duruur dhaqaale iyo mid mid amni daro doona isuguna jira dad waa wayn caruur, bukaan iyo qaar araga ka naafo ah oo iyagu dhibaato dalka ku haya siday warbixibta ku xuseen gudidu,

Waxay intaa warbixintu ku dartay in la socod lagu sameeyo  lagu sameeyo Ha’adaha Ajaanibka ah ee dalka imanaya iyo kuwa ku suganba “waa in daba gal lagu sameeyo Hay’aha ajanabiga ah ee wadanka imanaya laguna ilaaliyo barnaamij yada ay marka hore wadan ka ku soo galayaan inay qaban doonaan oo aanay wax ka duwan qaban doonin”, ugu dambayntii waxay soo jeediyeen la joogteeyo xidhiidhka wasaarada arimaha dibada iyo Gudiyada siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Golayaasha baarlamaanka iyaga oo sheegay inay warbixintani tahay mid mihiima ah oo ay tahay inaan la dhayalsan.