kkkkkkkkkkkkk

 

 

 

Borama(SBN)Ciyaar aad u xiiso badan ayaa galabta ku dhex martay garoonka kubada cagta ee M/Boorama ciyaaryahanoda J/Camuud iyo kuwo dhigooda ah oo ka socday JaamacaddavGolis ee M/Hargaysa.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxa daawashadeeda ka soo qayb galay dadwayne aad u tiro badan oo xiiso gaar ah u hayay daawashada ciyaaraha noocan ah, isla markaana kala taageerayay labada kooxood.

Ciyaarta ayaa isla qaybteedii hore natiijadeedu waxa ay noqtay mid lagu kala baxay kadib markii xiyaaryahanada kooxda J/Camuud ay laba gool oo is daba joog ah shabaga kooxda J/Golis la hubsadeen.

Wixii intaasi ka dambeeyay J/Camuud ciyaaryahanadeedu waxa ay isku badasha mid xarago iyo isku dhiidhiib ku eg oo aanay doonayn inay goolal dheeraad ah keensadaan, sidan waxa sababay ayay leeyihiin dadkii ciyaartaasi daawanayay ciyaaryahanada J/Golis oo aanay awoodoodu gaarsiisnayn in ay weeraraan ama keensadaan goolasha lagu leeyahay.

Ciyaaryahanadan ka socday J/Golis iyo maamulkooda ayaa maanta waxa ay booqdeen xarunta J/Camuud halkaasi oo ay  soo daawadeen gudaha J/Camuud isla markaana ay ka marg kaceen hormarka ay ku talaabsatay J/Camuud.

Madaxa xafiiska Arimaha Ardayda iyo La-talinta ee J/Camuud Mud. Siciid Xasan Habane oo la hadlay geestiir.com ayaa u sheegay in safarada noocan oo kale ahi ay leeyihiin ahmiyad balaadhan waxana uu yidhi “ Waa is barasho waa is dhexgaly, waa muhiim in ardaydu ay helaan fursado ka balaadhan waxbarashada caadiga ah oo ay ku daah furan deegaanka ku xeeran, safarkani waa mid noo muhiim ah, waxaanan uga mahadnaqaynaa masuuliyiinta J/Golis fursadan ay siiyeen ardaydooda iyo sida ay J/Camuud ugu doorteen inay soo booqdaan, insha’alaah safari la mid ah ayaan u qaban qaabin doonaa ardayda J/Camuud mustaqbalka dhow hadii eebe idmo”.

 

 SUBULAHANEWS.COM

BORAMA/SOMALILAND.