Marka hore waxaan salaamayaa Saxaafada madaxa banaan,sidoo kale
waxaan salaamayaa shacbiwaynaha reer Somaliland
Waxaan maanta doonayaa in aan ka hadlo madaarka caasimada
hargeysa oo shaley aanu booqasho ku tagney aniga iyo Group
Engineero ah
Waxaanu soo aragney madaarkii oo la DalDalooliyey ama (Hog
booraamooyin laga Qodey ) isla markaana shaqo la sheegi karaana
aaney ka socon
Waxaanu waraysanay nin KAARYOON ku riixaya Niis oo kaligii ka
shaqaynaya meesha
Ninkaas oo magaciisa noogu sheegay Maxamed ayaa sidan noogu
waramey
Adeer makaligaa ayaa ka shaqaynaya meesha? Wuxuu ku jawaabey Haa
kaligey ayaa jooga
Adeer meeday shirkadii Qandaraaska la siiyey ? adeer mooyi
Adeer ma fasax ayey ku jiraan ? adeer mooyi
Madaarkan oo la xidhey may 2012 wakhtigaas oo ay ka soo wareegtey
mudo sanad ku dhaw
Ayaan ilaa imika wax lagu daro daayoo waxaa laga sameeyey Jeex
jeexyo iyo booraan dacawo
Kuwaas oo Odey Maxamed noo shegay in aan wax la dhisayaa jirin
balse lagu samaynayo KAB KAB
Waxaa aanu layaabney aniga iyo groupkii Engeneerada ahaa, waxaanu
filayney iyo waxaanu soo aragney oo aheyd KAAF IYO KALA DHEERI
Hadaba waxaan leeyahey xukuumada madaarkii caasiamada xagee u
rarteen?
Meeday shirkadii aad qandaraaska siiseen ?
Ugu danbayntii waxaan shacbiga caasimada dagen leeyahey sida
Engeneerada,aqoonyahanada iyo dadka khibrada u leh dhisida
madaarada in aad nala soo aragtaan waxaanu soo aragney
Qalinkii Yusuf keyse A/laahi
Email. farxadi@hotmail.com
Tell. Somtel 9145949
