ssss

 

Anigu waxaan qabbaa in xukuumaddani intii ay tallada haysay wixii ay qabatay aan la qabban 20-kii sanadood ee Somaliland jirtay”Cabdilaahi Xuseen Cigge.

 

– Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cigge (Balaaki) oo ka mid ah Mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay sida uu u arkayey khudbadii Madaxwayne Siilaanyo u jeediyay baarlamaanka qaranka, waxaanu tilmaamay in khudbadaasi ahayd mid si farshaxan-nimo leh loo soo diyaariyey oo cid kasta oo dhageysatay ku qanacday

Xildhibaan Cabdilaahi Balaaki oo Wargeyska Madaxa-banaan ee Waaheen waydiiyey aragtidiisa la xidhiidha khudbadii Madaxwaynaha ayaa sheegay inay ahayd tii ugu wanaagsanayd ee Madaxwayne u jeediyo baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cigge, oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Qudbadaasi aniga waxay iila muuqatay tii ugu wanaagsanayd ee uu Golle baarlamaan ka ka jeediyo Madaxwayne oo xiligeedii iyo mudadeedii leh oo qadiyado badan oo Madaxwaynaha la doonayey inuu wax ka yidhaahdo uu ka yidhi oo uu ka sheegay gollaha hortiisa, haddii aan wax ka soo qaado waxyaabaha Madaxwaynuhu ka hadlay, waxa uu soo qaaday qadiyada Somaliland, waxaanu yidhi haddii boqol sanadood ay nagu qaadanayso ama qof kali ahi nagaga soo hadhayo muruq iyo maalba waanu u huraynaa oo waanu difaacaynaa, waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka, waxaanu yidhi in markii la I doortay in maalin la iigu daro, taasi oo ka farxisay dad badan oo doonayey inay isa-sharaxaan, waxa kale oo uu ka hadlay arimaha Guurtida oo uu yidhi waa in la soo xulaa si Somaliland oo dhami uga wada muuqato, Somaliland-na ay muraayad ugu noqoto.

Waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka iyo arintii Ingiriiska oo uu ku sheegay inay ahayd mid lagu deg-degay oo aan Somaliland oo oolin, waxa kale oo uu ka hadlay dastuurka in la furo si qodobo badan wax looga badalo, markaa qudbadaa Madaxwaynaha waxaan u arkaa inay ahayd mid cid kasta oo dhageysatay ku qanacday.

S: Markaad dhanka kale ka eegto sideed u arkaysay..?

J: Wallaahi anigu khudbadaa wax dhaliil ah oo ay leedahay ma arkayn, khudbad si wanaagsan loo soo diyaariyeyoo dhinacyo ka hadashay oo si farshaxan-nimo leh looga soo shaqeeyay.

S: Madaxwaynaha waxay dadku ku dhaliilayaan dabacsanaan badan intii xukuumaddiisu xilka haysay, siiba aqbaladaa wada-hadalada Somaliya, markaa miyaanay kuu muuqan waxaasi oo dhan iyo in khudbadani aanay waxba hoos oolin..?

J: Anigu waxaan qabbaa in xukuumaddani intii ay tallada haysay wixii ay qabatay aan la qabban 20-kii sanadood ee Somaliland jirtay, haddii ay dhinaca horumarka tahay, haddii ay dhinaca siyaasada arimaha dibada tahay, waxbarashada tahay iyo arimaha bulshada, ta wada-hadalkana anigu waxaan qabbaa inay tahay inaad marto dariiq kasta u marto aqoonsiga Somaliland, markaa anigu ma qabbo in dariiqaasi ahaa mid lagu deg-degay ahaaye ee uu ahaa mid Somaliland u wanaagsan oo guul gaadhsiin kara, oo keeni karta in markaynu Somaliya heshiin wayno ay bulshada caalamku ina soo dhex gasho oo ay tidhaahdo cod hala waydiiyo shacabka.

S: Cabdilaahi, markaan soo qaadano siyaasada arimaha dibada, miyaanay kuu muuqan inay xidhan tahay safaaradii Koonfurta Suudaan laga furi lahaa, inaan Maleesiya iyo Koonfur Afrika oo baasaaboorka Somaliland lagu taggi jiray uu xidhan yahay, dawladdana Somaliyana intaaba safiiro ayay gaysay, markaa xukuumaddu miyaanay lumin waxaasi oo dhan..?

J: Ta baasaaboorka weli maynaan maqal waddan laga joojiyey baasaaboorka Somaliland, laakiin dedaalka ah inaad dunida kasbataa way jirtaa oo meeo badan baad u cararaysaa oo aad wax waydiinaysaa, meelo badan oo kaa hor imanayaana way jiraan oo dantooda fushanaya, kuwo aan hore loogu taggi jirin oo imika lagu tagaaba way jiraan, laakiin Madaxwayne Somaliland ah oo dibad u baxay oo baratakoolka la siiyay ahaa mid madaxwayne lama arag imika horteed 22-kaa sanadood ee Somaliland jirtay, markaa siyaasada arimaha dibada ee imika waxaan qabbaa inay ta imiku ka furfurnaan badan tahay tii hore.

S: Dadku waxay qabbaan in Tallaabooyinka Maraykanka iyo Ingiriisku ay laba dhirbaaxo oo waaweyn ku yihiin Somaliland, markaa ma haboonaan lahayd warqadii Madaxwaynuhu baarlamaanka ka akhriyey ee uu yidhi Maraykankaa ii soo diray inuu soo bandhigo maalmihii ay arintani taagnayd, ama aanu akhrine uu si kale umadda ugu dejiyo..?

J: Madaxwaynuhu goobtii iyo wakhtigii ku haboonaa ayuu ka yidhi, haddii aanu Madaxwaynuhu khudbad-sanadeedkiisa ku darin wixii ay Maraykanka is yidhaahdeen halkee kale ayuu ka odhan lahaa, ta Ingiriiskana anigu uma arko wax weyn.

S: Dastuurka la furayo iyo doorashooyinka la isku lifaaqayo ee Madaxwaynuhu sheegay ma u malaynaysaa inay idinkaga yimaadaan dhibaatooyin ku kordha kuwa aad hadda la rafaadaysaan..?

J: Sababta doorashooyinka loo midaynayaa waa si aanay dhicin dhibaatooyin la mid ah casharkii aynu ka soo baranay doorashadii dhawayd ee deegaanada, ta dastuurka, adduunka dastuurka mar walba waala furaa oo waxbaa lagu daraa, waxna laga saaraa, markaa waxay ka mid tahay waaya-aragnimada aynu dastuurka ka helnay mudadii uu jiray”